“Waan Ku Kalsoonahay in Da’yartu Ku Filan Tahay Difaaca Dalka…” Madaxweynaha Somaliland

0
62

 

 

Ceerigaabo (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo socdaal ku maraaya gobollada bariga Somaliland, gaar ahaan deegaanada gobolka Sanaag ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey Degmooyinka War-idaada, Gar-adag iyo deegaanada hoos yimaada..

Boqolaal shacab ah ayaa waddooyinka u taagnaa Madaxweynaha iyaga oo sita calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku lamaan yahay calanka Xisbiga talada dalka haye ee Kulmiye, waxaanay bulshadu madaxweynahooda ku soo galbiyeen fardo iyo lug xilli roob ka da’aayey deeganada uu madaxweynuhu maraayey.

Madaxweyne Biixi ayaa markii uu gaadhay degmada War-idaad waxa uu xadhiga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay degmada waxaanu shacabka u sheegay in ay u socdaan sidii ay dalka iyo ummadda Somaliland u midayn lahayn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “War-idaad waa degmadii Batroolka waa degmada kala badha Somaliland, waana degmada maalqabeenada, waxaanu u soconaa dalkeenna in aynu midayno oo cadowgeena meelahaa ka hadlaaya aynu u quus goyno oo aynaan yeelin faro gelin bini-aadam oo qaranimadeena wax yeelaysa “

Madaxweynaha oo safarkiisa sii wata ayaa gaadhay degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag oo ay jidadka u taagnaayeen boqolaal qof oo safaf ugu jira xilli uu halkaasi roob ka da’aayey balse aanay dareemayn dhibcaha roobka ee dushooda ku da’aaya jacayl ay u qabaan madaxweynahooda dartii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shacabka kala hadlay goob fagaare ah oo ay kusii sugayeen boqolaal kale oo bulshada ka mid ah, waxaanu ugu mahadceliyey sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen waxana uu yidhi “Maanta waxa Gar-adag ka dhacay waxa ay ahayd wax cadowga Somaliland ka naxo qofkasta oo muwaadin ahna aad ugu farxo waanan idinka mahadnaqaynaa, muhiimadu waxa weeye qaranka difaaciisa dalku inuu u midoobo maadama ay u soo hub qaateen cadow badan oo jiifay Somaliland, dalkeena xoriyadiisa iyo qadiyadiisa midna la dhaqaajin maayo oo ubadkan ubadkooda ayaa difaacaya waxanan aad iyo aad ugu kalsoonahay da’da maanta joogta in ay ku filan yihiin difaaca dalka”