Caalamka Iyo Luqadaha Cajiibka!

0
54

Dadka deegaanka kaymaha ee dalkaasi Baraasill oo loo yaqaano Beraha ayay culimada luqadaha sheegeen inay afka ay ku hadlaan uu yahay kaย  dunida ugu yaabka badan, kaasi oo ka wada duwan dhamaan luqadaha kale ee dunida Aadamigu ka isticmaalo.

Professor Rolf Thiel oo wax ka dhiga jaamcadda Oslo ayaa qoraalo uu sameeyayย  ku cadeeyay inay tahay luqad yaab leh.

Isagoo sabab uga dhigay inay ka maqan yihiin dhismayaal muhiim oo dhamaan luqadaha dunida ay leeyihiin gun dhigna u aha, waxana ka mid ah iyadoo aan luqadan laga helayn isticmaalka Ficil ama fal tegay iyo mid soo socdna midkoodna, tirooyinka iyo weliba midabada, taasi oo luqadan ka dhigaysa sida xayawaanka cidooda oo kale, kuwaasi oo wakhtiga ay joogaan keliya isugu yeedha dhawaaqyo u gaar ah.

Waxaana uu Professor Rolf Thiel yidhi luqadani waxay isticmaashaa oo keliya ficilka hadda dhacaya, oo waxa taagan , macno ahaan bulshadani dan kama laha man daneeyan wixii soo dhaafay iyo waxa soo socda midkoodna. Waxayna leedahay astaamaha luqadaha ay ku wada hadlaan noolaaysha aan caqliga lahayn oo kale, kuwaasi oo aan laba socon wax tegay iyo wax soo socda midna.