Qodobo Xudun u ah Qaabka Loo Qaadayo Imtixaanka Shahaadiga oo la soo Saaray

0
140

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Shir ay isugu yimaadeen, masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada, guddida waxbarashada Qaranka, madaxda xafiiska imtixaanaadka iyo wakiillo ka socda jaamacaddaha Hargeysa, Camuud, iyo Adna Aadan, ayaa looga dooday ajandayaal muhiim ah oo ku saabsan horumarinta tayada waxbarashada ee dalka.

Shirka ayaa waxa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Guddida Waxbarashada Qaranka, Prof. Saleebaan Axmed Gulleed, isagoo sheegay in shirkan diirada lagu saaray arrima la xidhiidha imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee sannad dugsiyeedka 2023/2024, iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha qishka iyo dhibaatooyinka kale ee ku gadaaman nidaamka imtixaannada.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shirka ka jeediyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan caqabadihii laga soo maray imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare, gaar ahaan sannad dugsiyeedka 2023/2024.

Warbixinta ayaa diiradda saartay sidii loo xaliyey dhibaatooyinkii soo baxay intii lagu jiray imtixaanka, iyo xaaladda uu hadda maraayo sixitaanka imtixaanka shahaadiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland, Mudane Sacad Cali Shire, ayaa shirka ka sheegay in sharciyo iyo qodobo adag laga soo saaro si looga hortago ardayda dhibaatooyinka ka gaysta imtixaannada.

Sidoo kale, xubno muhiim ah oo ka tirsan guddida Waxbarashada Qaranka, sida Prof. Saleebaan, Pro. Cumar, Dr. Adna Aadan iyo Marwo Raaqiya, ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo in xal waara laga gaadho arrinta qishka iyo nidaamka imtixaannada lagu qaado.

Shirka waxa laga soo saaray dhowr qodob oo muhiim ah kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. In si deg deg ah loo sameeyo sharciyo iyo habraacyo rasmi ah oo nidaamiya qaabka imtixaanka loo qaado.
  2. In xafiiska Imtixaanka Qaranka uu si toos ah u soo sheego xilliga rasmiga ah ee imtixaanka uu qaadayo si waafaqsan xeerka waxbarshada qaranak Xeer Lr.77/2018 iyo nidaamka Imtixaanka.
  3. In la diyaariyo warbixin dhammeystiran oo ku saabsan qaabka imtixaanka loo qaaday, taas oo ay iska kaashanayaan jaamacadaha iyo Xafiiska Imtixaanka Qaranka.