Xisbiga KULMIYE oo Xafiis uga Furay Gabiley In ka Badan 100 Hablo Da’yar ah

0
72

Qore: Khadar M.Xaashi

Gabiley (Dawan) Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa xadhigga ka jaray xafiis ay furteen in ka badan 100 hablo da’yar ah oo ku nool magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley.

Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE oo ay wehelinayeen Maayarka degmada Gabiley Md. Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, Wasiikii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Dr. Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi iyo madaxda heer gobol ee xisbiga KULMIYE, ayaa ka qaybgalay xaflad aad u bilan oo loo sameeyey furitaanka xafiis ay hawlaha ololaha ee xisbiga kaga shaqayn doonaan urur la baxay hablaha da’yarta Gabiley ee xisbiga KULMIYE, kuwaas oo halkaas ku soo bandhigay calanka xisbiga oo ay ka tasheen dirays isku mid ah oo si farshaxan leh loo nashqadeeyey.

Xubnaha hoggaanka ururka hablaha da’yarta oo halkaasi ka hadlay, waxay sheegeen in iyagu ay si iskood ah u diyaarsadeen xafiiskan si ay uga shaqeeyaan ololaha xisbiga si mar kale guul uga soo hooyo doorashada, maadaama danta qaranka waqtigan ku jirto guusha xisbiga KULMIYE.

Dhankooda masuuliyiinta ka qaybgalay madashaasi, ayaa si weyn ugu mahadceliyey hablahan da’yarta ah tallaabada ay qaadeen, waxaanay ku booriyeen inay halkaa ka sii wadaan dadaalkooda.

Furitaankii xafiiska kadib, waxa hablahaasi dhallinyarada ahi iyagoo ku lebisan calanka xisbiga KULMIYE ay muuqaallo iskaga duubeen dhulka cagaaran ee uu caanka ku yahay Gobolka Gabiley.