Caalamka Iyo Saamaynta Sirdoonka !

0
54

Tobanka hay’adood ee sirdoonka ugu awooda badan sanadkii 2015 ayuu kaalinta koowaad kaga jira sirdoonka CIA ee Maraykanku. Hay’addan ayaa u xilsaaraan ururinta macluumaadka saamaynta ku leh dalka Maraykanka.Waxaana la sheegay in hay’adani ay ku leedahay hawlwadeeno sirdoon dunida oo dhan, waana hay’adda sirdoon ee dunida ka jirta ee ugu horumarsan dhinaca technoolajiyadda.

Sirdoonka Ingiriiska oo lagu magacaabo M16 ayaa iyana kaalinta labaad la siiyay . Hay’addan ayaa la sameeyay sanadakii 1909, laakiin dawladda Ingiriisku inay jirto marna ma sheegi jirin ilaa sanadkii 1994 oo ay si buuxda u qiratay. Waxaana ugu muhiimsan shaqadeeda ilaalinta amaanka guud ee dalka. Iyadoo xukuumada soo gaadhsiinaysa dhaqdhaqaaq kasta oo aan caadi ahayn shakina laga qabo. M16 waxay door weyn ka qaadatay dagaalkii qaboobaa iyo dhaqdhaqaayadii ka soo horjeeday dawladihii ku xidhna Ruushka. Haddaba dhamaan sirdoonada dunidu ee awoodda badan lehi waxay isticmaalaan farsamo aan u saraysa iyo xifdi sireed aad u sareeya, kuwaasi oo ay kaga duwan yihiin dhamaan qaybaha kale ee dawladahooda.