Ciidanka Qaranka JSL oo lagu Amray inay Talaabo ka Qaadaan Kooxaha Abaabulan

0
68

Hargeysa-(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa digniin ka soo saartay colaada ka taagan degaanada koonfurta gobolka Sanaag taasi oo u dhaxaysa dadka degaanka iyo kooxaha cadow ku ah nabada shacabka .

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa amar ku siiisay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland in ay tallaabo ka qaadaan kooxaha abaabulan, kuwaas oo waxyeelaynaya nabadgelyada guud iyo wada jirka Bulshada Gobolka Sanaag.

Waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqday dadka shacabka ah in ay ilaaliyaan nabadgelyada, kuna wada noolaadaan nabadgelyo, cidkasta oo nabadooda waxyeelaynaysana ay ildheer ku eegaan iyagoo isku mid ah.

Ugu dambayn waxa ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Tacsi u dirtay dadkii ku dhintay shaqaaqadaas in Eebe samir iyo iimaan ka siiyo Qoysaskii ay ka geeryoodeen, intii ku dhaawacantayna Alle SWT Shaafiyo.