Dalka Namibia oo Xannibay markabka Hub u sida Isreal

0
49

Markab ay mas’uuliyiinta Namibia uga shakiyeen inuu sido shixnad milateri oo ay Israa’iil ugu talo-gashay dagaalka ka socda Qaza ayaa laga hor istaagay inuu ku xidho dalka Koonfurta Afrika ku yaalla.

Wasiirka cadaalada Namibia Yvonne Dausab ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in markabka la joojiyay sababta oo ah waxa uu sitay walxo qarxa oo loo waday Israel.

Markabka MV Kathrin, oo ka soo kicitimay Vietnam, ayaa codsaday oggolaansho uu ku soo xidho dekedda Walvis Bay – ka hor inta aanu u dhoofin woqooyiga, isaga oo ku sii jeeday waddo la tuhunsan yahay oo ku wajahan badda Mediterranean-ka ee sii marta marinka Gibraltar.

Kooxaha xuquuqda ayaa ka digay in Namibia ay ku lug yeelan karto xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha haddii ay u ogolaato in markabka uu ku soo xidho.

Lama garanayo sababta uu markabku u doonayay in uu ku soo xidho, laakiin maraakiibta ku jirta safarrada dhaadheer ayaa u badan in ay u istaagaan sahayda, nasinta ama in ay dejiyaan ama rartaan.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, dalka Namibia ee deriska la ah iyo Koonfur Afrika ayaa dacwad weli ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) oo ku saabsan in Israa’iil ay xasuuq ka geysanayso Falastiiniyiinta Gaza. Israa’iil waxay diiday eedeymaha xasuuqa oo ay ku tilmaantay “mid aan sal lahayn”.

Walvis Bay waa dekedda ganacsi ee ugu weyn Namibia, iyada oo hesha ku dhawaad ​​900 oo markab oo qaada ilaa sideed milyan oo tan oo xamuul ah sanadkii, sida ay sheegtay maamulka dekedaha Namibia (Namport).

Markabka MV Kathrin oo Isniintii lagu waday inuu ku soo xidho Walvis Bay kana yimi Vietnam, ayaa la joojiyay iyada oo la raacayo taageerada Namibia ee dadka reer Falastiin iyo baaqa dalkaas ee ah in la joojiyo rabshadaha Gaza, ayay Ms Dausab u sheegtay wargayska New Era ee dawladdu maamusho. shabakada wararka .

Iyada oo soo xiganeysa baadhitaan ay wadaan booliska, Ms Dausab ayaa sheegtay in markabka uu sido “runtii walxaha qarxa oo loo waday Israa’iil, sidaas darteedna laga mamnuucay in uu galo biyaha Namibia”.

“Namibia waxay u hogaansantaa waajibaadkeena ah inaanan taageerin ama ku lug yeelan dambiyada dagaalka Israel, dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada, xasuuqa, iyo sidoo kale qabsashadeeda sharci darrada ah ee Falastiin,” ayay tidhi.

Ururka xuquuqul insaanka Namibia ee dhaqaalaha iyo cadaalada bulshada (ESJT) ayaa soo dhaweeyay tallabada.