Gacan ku Dhiigle laba Dil Geystay oo Markii Labaad la sii Daayay si uu uga Dagaalamo Ukraine

0
41

Gacan ku dhiigle u dhashay dalka Ruushka oo xabsiga laga sii daayay si uu ugu dagaalamo Ukraine, kadibna dilay haweeney da’ ah, ayaa markii labaad la sii daayay si uu ugu soo laabto dagaalka, sida ay sheegeen ehelada haweeneydaasi.

“Dilaaga haweenaydan Ayeeyada ah, ayaa waxa jeelka ka qortay dagaalyahanada kooxda Wagner  waxaana loo diray dagaalka, hase ahaatee markuu ka soo laabttay ayuu dilay haweenay da’a ah oo lagu magacaabi jiray Yulia Byuskikh ka dibna waa la xidhay. Mar kale ayaa hadda la siidaayey si loogu diro Ukraine sida ay BBC-da u sheegtay  Anna Pekareva, oo ay ayeeyo u tahay Yulia Byuskikh.

Gacan ku dhiiglahan oo lagu magacaabo Ivan Rossomakhin ayaa laga sii daayay xabsiga Sannadkii 2022, halkaas oo uu ku qaadanayay xukun 14 sano ah oo lagu xukumay markii uu dil geystay, laakiin waa la siidaayey si uu ugu biiro kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner.

Kadib waxaa loo ogolaaday inuu ku laabto guriga degmada Vyatskiye Polyany ee Gobolka Kirov ee Ruushka. Halkaas ayuu ku weeraray oo ku dilay Yulia oo 85 jir ah gurigeeda.

Dilka ayaa ahaa mid ka mid ah dhowr denbi oo ay geysteen dambiilayaal laga soo daayay xabsiyada Ruushka si ay ugu biiraan kooxda Wagner.

Bishii Abriil ee sanadkan ayaa Rossomakhin oo 29 jir ah lagu helay dambiga kufsiga iyo dilka Yulia waxaana lagu xukumay 22 sano oo xabsi ammaan ah oo aad loo ilaaliyo, iyada oo markii dambe laga dhigay 23 sano. Maxkamaddu waxay xustay in dilka “uu ku lug lahaa arxan darro xad dhaaf ah”.

Laakiin Anna waxa ay sheegtay in guddoomiyaha xabsigu uu hadda qoyska ku wargeliyay in Rossomakhin la sii daayay 19kii Agoosto – hal toddobaad uun ka dib markii uu bilaabmay xukunkiisa.

“Falcelintaydii ugu horreysay waxay ahayd argagax. Waan akhriyay warbixinnada dambi baadhista, waanan ogahay waxa uu qofkani ku sameeyay ayeeyday. Waa wax laga xumaado in mar kale la sii daayay, ayay tidhi Anna, iyada oo raacisay: “Hadii  tani ay dhacday qarnigii 21-aad,ma jiraan erayo qeexaya waxa dhacaya!”

Dukumeenti rasmi ah oo ay aragtay BBC-da oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha xabsiga, ayaa lagu sheegay in maxbuuska la sii daayay iyada oo lala xidhiidhnayo sharci gaar ah oo Ruushku leeyahay oo u ogolaanaya milatariga in ay qortaan dembiilayaasha si ay ugu diri karaan jiidda hore.

Waa markii labaad ee gacan ku dhiiglaha xabsiga laga sii daayo si uu uga dagaalamo Ukraine.

Wax yar ka dib bilawgii duullaankii baaxadda lahaa, kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Yevgeny Prigozhin ee Wagner waxay bilaabeen inay maxaabiis ka qortaan xabsiyada si ay uga dagaalamaan Ukraine. Haddii maxaabiistu ay ogolaadaan inay saxeexaan, waxay cafis rasmi ah ka heli doonaan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Kumanaan kun oo kufsi, gacan ku dhiiglayaal iyo dembiilayaal kale, oo uu ku jiro Ivan Rossomakhin, ayaa laga sii daayay xabsiga, waxaana loo diray jiidaha hore ee dagaalka, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah lagu dilay weerarro naxariis darro ah oo lagu qaaday magaalooyinka Ukraine sida Bakhmut.