Madaxweynaha Somaliland, oo Xadhiga ka Jaray Mashaariic Laga Hir-geliyey Sallaxley

0
54

Madaxweynaha JSL oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyay Sallexlay

Sallaxley (Dawan)- Bulshada ku dhaqan degmada Sallaxley, ayaa soo dhaweyn ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ku qaabishay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Hoggaanka dhaqanka, haweenka, dhallinayarada iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanka Sallaxley oo madasha soo dhawaynta madaxweynaha ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay booqashada uu ku tegay degmada, waxaana ay sharraxeen waxqabadka xukuumaddu degmadaas ka hirgelisay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. ayaa xadhigga ka jaray mashaariic ay xukuumaddu ka hirgelisay degmada oo ay ka mid yihiin Guriga Martida Sallaxlay, Jeelka Sallaxlay iyo Hoteel Casri ah oo ay Degmada Sallaxlay ka hirgelisay Star Group.

Madaxweynaha ayaa shacabka Sallaxley u sheegay in safarkiisu la xidhiidho laba arrimood oo kala ah doorashada iyo in dalka laga difaaco kooxaha ku soo duulay. waxaana uu yidhi “Ujeeda socdaalkayga iyo waxa aanu dalka u wareegayno waa laba qodob oo uu kow ka yahay difaaca dalka , labana ay tahay doorasho xor oo xalaal ah oo aynu ku tartano, kolba keena loo codeeyaana uu dalka qabto.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadnaqay bulshada reer Sallaxley, waxana uu ku dheeraaday kaalintii ay dadka degmadaasi degaa ku lahaa horumarka, nabadaynta iyo geedi-socodka dalka iyo shakhsiyadiisa.