Musharaxa Xisbiga WADDANi oo Baaq Nabadeed u Diray Bulshada Gobolka Sannaag

0
83

Qore Faysal Xiis Weerar

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee wada-dega Gobolka Sanaag, sidoo kalena waxa uu dhabaal tacsi ah u diray dhammaan ehelada dadkii ku geeriyooday shaqaaqadaasi.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro waxa uu sidaasi ku sheegay war qoraal ah uu kuu ku baahiyay barta uu ku leeyahay internetka ee Facebook, waxaana bulshada walaalaha ah ee gobolka Sanaag ugu baaqay in ay joojiyaan colaadda oo aanu dhiig dambe daadan.

Qoraalka guddoomiyaha xisbiga Waddani oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan”Waxa aan u dirayaa baaqa nabadeed beelaha walaalaha ah ee wada-dega Gobolka SANAAG, dhammaan dadka geeriyooday waxa aan Eebbe weyne uga baryayayaa in uu u naxariisto oo Jannatul-fardawsada sare ka waraabiyo qoysysaskoodii iyo eheladoodiinna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Waxa aan ku baaqayaa in colaaddaas, dilalka iyo dhiigga shacbiga aan wax danbi ah galabsan sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada ka baxsanba. Walaalayaal waxa aan idiinku baaqayaa nabad iyo in aydun colaadda iyo fidnada hurudda kicinteeda joojisaan. Colaadda inan baa ku dhinta, colaadda Hooyo ayaa ku goblanta, colaadda ubad baa ku agoomooba!

Degmada Ceerigaabo waxaa lagu majiirtaa nabad, xasiloonni iyo wax wada-noolaansho, taas baa Somaliland oo dhan aad astaan ugu ahaydeen, waxa aan mar labaad idinku baaqayaa in aad isxakamaysaan ilaashataanna wada-jirkiinana, walaalnimadiinna, wax wada-lahaashihiinna iyo aakhiradiinnaba.

Madax-dhaqameedka, culimada iyo wax garadkana waxa aan ugu baaqayaa in ay arrintan meel uga soo wada jeestaan, wada xaajoodka iyo nabadeyntana degdeg loo bilaabo.”