“Ninkii Wax Is-bidaya ee Dagaal Doonaya Waanu Ka Dhergin-Doonaa..” Madaxwaynaha

0
51

Hargeysa-(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa digniin adag u diray kooxaha diidan nabada iyo horumarka Somaliland ee ka abaabulaaya dagaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cid kasta oo Somaliland cadow ku ah, isla markaana doonaya in ay dagaal ku soo qaadan ay diyaar u yihiin in ay iska difaaca oo ay xanuujin doonan haddii ay iyagu (Cadowga) nabada diideen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo ka hadlaayey magaalada Sallaxley ayaa sheegay in cadowga Somaliland uu jabi doono. Waxaanu yidhi “Cadowga Somaliland waxa aan leeyahay waan isu naala, ninkii wax isbidaaya ee dagaal doonaya waanu ka dherginaynaa haddii Alle idmo, haddii aad nabadii diideen, Somaliland way guulaysanaysaa.“

Tan iyo markii ay Somaliland heshiiska afgarad la gashay dawladda Itoobiya waxaa banaanka u soo baxay dad badan oo Somaliland cadow ku ah kuwaasi oo markii hore aamusnaa balse hadda u badheedhay in dagaal kusoo qaadan Somaliland kaasi oo isugu jira mid dhaqaale, amni iyo bulsho.