Shirwaynaha Isgaadhsiinta JSL oo Maalintii 2aad ka Soconaya Hargeysa

0
46

Qore Cabdiwahaab Daahir

Hargaysa (Dawan) Shirwaynaha 6aad ee adeega isgaadhsiinta Tignoolaqjiyada (ICT) Somaliland oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Isgaadheiinta iyo Tignoolajiyadu ayaa galay maalintii 2aad

Shirkan ayaa noqonaya kii 6aad ee ay soo qaban qaabiso wasaarada Sigaadhsiinta iyo tignoolajiyadu, isla markaasna lagu lafaguro qaabka ay tignoolajiyadu caalamka uga shaqayso iyo doorka ay ka qaataan shirkadaha Somaliland ee bixiya Adeega isgaadhsiinta.

Bandhiga Shirkan ayaa ay ka soo qayb galeen badiba Shirkadaha bixiya Adeega isgaadhsiinta, Aqoonyahan ku xeel dheer aqoonta Tognoolqjiyada iyo martisharaf kale.

Geesta kale Shirkadaha ka soo qaybgalay ayaa mid waliba dhinaceeda ku soo bandhigtay madasha Adeegyada ay bixiyaan iyo kuwo cusub oo ay soo kordhiyeen.

Gaba’gabadii Adeegyada cusub ee intooda badan shirkaduhu soo bandhigeen ayaa waxa ka mid ahaa, Adeega 5G kaaso siday ay sheegeen Shirkadaha isgaadhsiintu wax wayn ka badali doona isticmaalka dhinaca waxaaraha internet ka.

Waxa sidoo kale lagu soo bandhigay aalada looyaqaan Garaadka macmalka ah (IA) kaas oo doorwayn kaga jira wakhtigan Casriga ah dhinaca waxbarashada Qaybaheeda kala duwan, isla markaasna dunidu si xoog ah u adeegsato.