Waan Fuliyay Dardaarankii Muhiimka Ah!

0
48

Islaan ayaa Odaygeeda oo ahaa mid aad bakhayl u ah oo aan hatidiisa waxba ka bixin uu dhintay markii uu ogaaday in aanu xanuunkan ka kacayn ayuu kula dardaarmay islaantiisa in hantidiisa dhamaanteed isaga lala aaso ka dib markii uu awood u siiyay inay ka saarto sanduuqiisa.

Islaantiisa ayaa balankiisa u fulisay si yaab leh, waxayna markiiba hantidiisa ku jirtay accountkiisa ku wareejisay xisaabtii ay ku lahayd baanka. Markii ay sidaasi samaysay ayay jeegeedii ku qortay lacagtii uu isagu lahaa oo dhan, waxayna jeegaasi raacisay maydkiisa iyadoo tidhi โ€œ

Waxaan sidaasi u yeelay in hantida ku qoran jeegaga oo ah hantidiisa ay sidaasi ku raacdo oo uu kala baxo halka uu tago ee uu doonayay inu ku isticmaalo. Islaanta ayaa sheegtay inay sidaasi u samaysay si ay u fuliso dardaarankii odaygeedii bakhaylka ah, waxayna si kooban u tidhi โ€œDardaarankiisa waan fuliyay hantidiisiina waan la aasayโ€. Isaalanta ayaad loola yaabay habka caqliga badan ee ay u fulisay dardaaranka iyadoo aan dayicin hantidii oo weli ku haysata accountkeeda.