Xikmadaha Maanta

0
56
  • Naftaada meel sare gaadhsii waayo hoosta waxa cidhiidhi la isugu yimi
  • Markaad aad jeclaato qof shaqsiyadiisa, wax kasta oo qofkaa ku saabsan waxay kula noqdaan wax wanaagsan.
  • Laba waxyaabood ayaa qofka shaqsiyadiisa qeexa; dulqaadkiisa marka aanu waxba haysan, Sida uu u dhaqmo marki uu wax walba heysto
  • Qofka sida dhabta kuu jecel marnaba kuma sii daynayo ama kaama quusanayo, si kasta oo xaaladu u adag tahay. (Tusaaleย  Waalidka iyo Ubadka)
  • Qof inta badan ilmeeya (ooya) micnaheedu maaha inuu daciif yahay, waxay noqon kartaa sida naftiisu u hadasho marka uu afkiisu sharixi kari waayo xanuunka uu dareemayo
  • Mararka qaarkood dadku uma baahna waano. Waxay u baahan yihiin qof dhageysta cabashadiisa wixii laga waanin lahaa ku kelifay.
  • Markay dadka ku yidhaahdan waad is bedeshay, 90% waxa sababay adigoo joojiyayย  inaad u dhaqanto ama u noolaato sidi ay kaa rabeen.