Munaasibada Daahfurka Barnaamijka Nidaamka Kaydinta Xogta Caafimadka ee Cisbitaalka Berbera

0
50

Xubinta koowaad ee Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku eegi doonaa daahfurka barnaamijka nidaamka Kaydinta xogta caafimaadka ee Cisbitaalka Berbera, kaasi oo uu daahfuray Agaasimaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

 

Haddaba Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta daahfuray Barnaamijka nidaamka kaydinta xogta caafimadka cisbitaalka Berbera, kaasi oo noqonaya cisbitaalkii afraad ee laga daah-furo nidaamka.

 

Nidaamkan ayaa ka mid ah, barnaamijyadda kor loogu qaadayo tayadda adeega caafimaadka cisbitaalada iyo guud ahaan tayeynta nidaamyada caafimaadka ee cusbitaalada dalka.

 

Xafalada lagu daahfuryay barnaamjkan, ayaa waxaa kasoo qayb-galay, Safiirka Safaaradda Taiwan, agaasime ku xigeenka waaxda adeega caafimaadka iyo

horumarinta cusbitaalada, Isuduwaha Gobolka Saaxil, agaasimaha cisbitaalka Berbera, masuuliyiin iyo shaqaale caafimaad, mudan iyo marti sharaf kale.

 

Isuduwaha Gobolka Saaxil iyo Agaasimaha cusbitaalka Berbera, oo madasha ka hadlay ayaa ka waramay barnaamijkan iyo sida uu qayb weyn uga qaadan doono adeegyadda caafimaadka ee ka socda cubsitaalka guud ee Berbera.

 

Agaasime ku xigeenka waaxda adeega Cafimaadka iyo Horumarinta cusbitaalada Cabdiqani Xasan oo dhankiisa halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay wax -yaabihii u qabsoomay inta uu socday barnaamijkani, isagoo sidoo kale ka sheekeeyey sida uu uga qayb qaato tayadda adeega caafimaadka iyo cisbitaaladda, waxaana uu tilmaamay in ay muhiim tahay in sida ugu fiican looga faaidaysto loona isticmaalo.

 

Mr. Mario lin oo ka socday Hayada Taiwan ICDF oo qaybka ah mashruucan iyo Safiirka Taiwan Mr. Allen lou, oo madasha ka hadlay ayaa sheekeeyey xidhiidhka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya iyo wax-yaabaha ay iska-kaashadaan, iyagoo sidoo kalena tilmaamay muhiimada nidaamkan iyo sida looga faaidaysan karo, iyaga oo xusay in nidaamkan kaydinta xogta caafimadku ka socdo Taiwan iyo wadamada horumaray.

 

Gabagabadii Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah u daah-furay mashruucan, ayaa uga mahadnaqay Taiwan ICDF taageerada Barnaamijkan nidaamka kaydinta xogta caafimadka ee cisbitaalada ee ay kala shaqeeyaan Wasaadadda Horumarinta Caafimaadka, isagoo sidoo kalena kula dardaarmay shaqaalaha cisbitaalku inay u isticmaalaan ugana faaidaystaan sida ugu haboon si loo gaadho hiigsiga siyaasadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee ah in la kaydiyo oo la helo xogaha caafimaadka ee Cusbitaalada dalka oo dhan.