“Dhismaha Wadanka Kaalintiina ka Qaata oo Wax-soo-saar Sameeya Cid aan Wax Beerani Maanta Kaaftoomi Mayso…”

0
59

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin ahna murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYe ayaa ardayda jaamacadaha ee waxbaratay ugu baaqay in ay wax soo saar sameeyaan.

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha waxa uu ugu baaqay ardayda aqoonyahanka ah ee ka baxay Jaamacadda Camuud in ay dhismaha dalka kaalintooda ka qaataan oo ay wax soo saar sameeyaan, isaga oo tilmaamay in dunida ciddii aan wax beerani aanay kaaftoomin.

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin  waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay xafladdii qalin-jabinta jaamacadda Cammuud, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ardayda halkan ka qalin-jabisay waxaan leeyahay dhismaha dalka kaalintiina ka qaata, dalkaa idiin baahane wax-soosaar sameeya, dunida cid aan maanta wax beeran oo aan wax soo saar lahayni  kaaftoomi mayso”

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JSL Maxamuud Xasan Sacad Saajin sidoo kale waxa uu habmalyo iyo bogaadin u diray ardayda qalinjabisay, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay in ay shaqo abuur sameeyaan oo ay aqoonta ay barteen wax ku hal abuuraan, waxaanu yidhi “

Ardayda halkan ka qalin-jabinsaysa waxaan leeyahay Hambalyo, Illaahay cilmiga aade barateen ha idiin barakooyo, Illaahayna dalka ha ku anfaco. Maanta waa maalin wayn, waa maalin ay intaas oo arday qalinjabinayso, intaas oo askari oo waddanka dhismaha ka qayb gelaysaa ay qalinjabinayso. Markaad wax barataan ha ka dhiganina in uu dalku idiin dhinto ee dalka dadka ayaa u dhinta oo dhisa, waxbarashadu maaha meel uun u shaqo tag ee shaqo abuurku siyaabo badan buu ku yimaadaa, isku tashada oo kooxo kooxo isu abaabula oo wax soo saar sameeya.”