Golaha Guurtida JSL oo Baaq Nabadeed ka soo Saaray Xaaladda Ceerigaabo

0
82

Qore: Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saartay xaaladda gobolka Sanaag, gaar ahaanna magaallada Ceerigaabo, iyaga oo sida oo kalena dood ka yeeshay siyaasadda arrimaha gudaha dalka.

Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-guddoominaayey Guddoomiyaha Golahaas Mudane- Saleebaan Maxamuud Aadan Ayaa Mudanayaasha Golaha Guurtidu waxay Warbixin ka Dhegaysteen Shir-guddoonkooda oo Baaq Nabadeed ka soo saarey Xaaladda Gobolka Sanaag,gaar ahaanna magaaladda Ceerigaabo.

Baaqa Shir-guddoonkaas Golaha Guurtida Somaliland soo saaray ayaana u dhigna:-

1- In Dhmamaan Bulsho Weynta Reer Somaliland la wado ilaashado Nabadgelyadda Wadanka, Shacbi ahaan iyo Dawlad ahaanba.

2- In arrinta Gobolka Sanaag oo muddo dheer taagnayd jufooyinka ku wado nooli si nabadgelyo ah ku wado noolaadaan, aqbalaanna baaqyada nabadeed ee loo soo jeedinaayo.

3- In Ciidamadda Nabadgalyadda ee Gobolkaas ka hawlgala la shaqeeyaan odayaasha nabadda isku xil qaamay ee arrintaas ka shaqaynaya, iyada oo ay Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ka tacsiyadeeyeen eheladii dadkii ku nafwaayey shaqaaqadaas ka dhacday Magaaladda Ceerigaabo.

Waxa ay Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland kula taliyeen shacabka gobolka Sanaag iyo kuwa magaalada Ceerigaabo in ay wada ilaashadaan nabadgelyada,isla markaana la aqbalo baaqyada nabadgelyo ee madax dhaqameedka,culimo awdiinka iyo bulshaqada qaybaheeda kala duwan ka soo yeedhaysa.

Dhinaca kalena, Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland waxay si faahfaahsan uga doodeen xaaladda Nabadgalayadda ee Dalka, iyaga oo Mudaneyaashu shir-guddoonka ka dalbaday in la soo Gole joojiyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane- Maxamed kaahim Axmed, si Mudaneyaasha Goluhu wax uga weydiiyaan xaaladda nabadgelyadda ee Wadanka.

Geesta kale, Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland waxay Dawladaha Masar, Turkiga, Soomaaliya iyo Jabuuti uga digeen in ay soo faro-geliyaan Arrimaha Somaliland,iyaga oo Mudaneyaashu xusay in faro-gelintoodaasi ka soo hor jeedo heshiisyadda Midawga Africa.