Gudidda Nabadda Ceerigaabo oo Ka Hadlay Qodobada Nabada Salka u ah ee la Isla Qaatay

0
52

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddigii nabadaynta ee ku dhex jirtay beelaha walaalaha ah ee ku diriray magaalada Ceerigaabo ayaa ka tacsiyadeeyay marxuumintii labada dhan ka dhimatay eheladoodii, Qaranka Somaliland iyo asxaabta.

Sidoo kale wax ay sheegeen in dilkii dhacay uu ahaa mid waxashnimo ah oo aan munaasib ahayn, waxaanay tilmaameen in ficilkaasi aanu ahayn wax bulshada dhexdeeda u ku wanaagsan isla markaana dhib u soo kordhiyay, waxaaney xuseen inay ka tacsiyadeynayaan cidkasta oo dhibi ka soo gaadhay.

Guddida oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa caddeeyeen inay la xisaabtami doonaan cid kasta oo fidmadaasi ka qayb qaadatay, isla markaana arrintan gungaadhkeeda ay meel ku tiirin doonaan.

Guddidu waxa kale oo ay soo dhaweeyeen cid kasta oo xaaladaaso ka soo saartay baaq nabadeed, waxaanay yidhaahdeen “Cidkasta oo baaq nabadeed ka soo saartay xal u helista xaalada colaadeed ee u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay waanu uga mahadcelinaynaa, waxaaney ALLE uga baryeen in uu khayr iyo wanaag ku abaaliyo.”

Geesta kale waxa ay sheegeen in xalinta hawshan ay ku jireen muddo afar cisho ah, isla markaana sababta ay warbaahinta ula hadli waayeen ay tahay lafa-gurka iyo wax isla meel dhigista hawsha labada ardaa, waxa ay intaas ku dareen inay la kulmeen waxgaradka iyo waayeelka beelihii dirirtu dhexmartay waxaaney tilmaameen inay balanqaad buuxa ay ka hayaan, islamarkaana arrintii iyo taladdii ay guddida nabadeynta ku wareejiyeen, waxaaney hoosta ka xariiqeen in qola kasta ay damaanad qaaday inay nabadgelyada ku filaaneyso labada gacmoodna isugu geynayso.

Guddidu waxa ay sheegeen in labada beeloodba ay ku dadaaleen in  nabadgelyada laga midha dhaliyo isla markaana aanay colaadu halkaasi sii dhaafin.

Gaba-gabadii guddida  ku dhex jirtay beelaha ku diriray Ceerigaabo waxa ay soojeediyeen in nabadgelyada la isla qaatay in wixii waxyeelaya laga ilaaliyo, waxa ay ka codsadeen in sidii nabadgelyada loo hirgelinlahaa la isuwada taago,