“Somaliland Dib Uma Ogolaanayso in Mar Kale Xamar looga Taliyo ama Masar ha u Yeedhato ama” Madaxweynaha JSL

0
55

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Boorama (Dawan):  Madaxdweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanay marnaba suurto gelaynin in mar kale ay Somaliland dib ugu noqoto midawgii Soomaaliya, ama in mar kale Xamar looga taliyo.

Waxaanu tilmaamay madaxweyne Biixi, in isku day kasta oo ay samayso Soomaaliya, oo ay ku doonayso in Somaliland ay dib uga mid noqoto Soomaaliya in aanay marnaba dhacaynin, isla markaana ay Somaliland diyaar u tahay sidii ay iskaga difaaci lahayd weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo safar shaqo ku maraya gobolka Awdal, oo la hadlayay kumanaan dadweyne ah oo ku soo dhaweeyay magaaladda Boorama, waxa kaloo uu sheegay in cadawga keliya ee ay Somaliland leedahay uu yahay Soomaaliya, sidaas darteedna guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland looga baahan yahay sidii ay ugu midoobi lahaayeen difaaca qaraniadoodda.

“Qaranimadda Somaliland ayaa la col ah? Cadawgeenu waa ayo? Cadawgeenu waa ninka diidan nabadda, ninka diidan horumarka, ninka diidan wax wada qabsiga, iyo wax wada lahaanshiyaha. Waa ninka diidan in aynu inagu Somaliland ahaan wax qabsano, oo aynu dalkeena maamulano. Waa ninka doonaya wixii hore ee ina haystay in ay dib ugu noqono, kaana Somaliland way u taagan tahay difaaciisa.

Maanta buuqa jira, ee ay Xamar waddo, ama Masaari, u yeedho, ama cid kale, Somaliland dib u ogolaan mayso in mar kale Xamar looga taliyo. Waayo? Taariikhda ayaa tusaysa wixii ay qabsatay intii ay is maamulaysay, intaas ayuun baanu doonaynaa in adduunkuna nagu taageerro” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Sidoo kale u jeedadda koowaad ee safarkiisa uu muddooyinkanba ku marayay goboladda dalka ayuu ku sheegay inuu la xidhiidho sidii uu xaaladaha dalka ka taagan xog ogaal ugu noqon lahaa, halka uu u jeedadda labaadna ku tilmaamay in ay la xidhiidho arrimaha doorashooyinka inagu soo foolka leh.

Waxaanu yidhi “Qodobka labaad na waxa weeye, waxaynu joognaa sanad doorasho, iyadoo ay doorashadii ka hadheen dhawr iyo todobaatan cisho. Taa darteedna goboladda waxaan u marayaa dadkii I doortay, ee aan todobadda sanadood madaxweynaha u ahaa xaq waxay u leeyihiin in aan iyaga soo waydiiyo imtixaankii miyaan ka gudbay, mise kamaan gudbin, oo aanan anigu is caleemo saarin, oo aan meel walba tago, kuna idhaahdo ka warama xilkii ma ku noqon karaa, mise kuma noqon karo.

Markaa qof waliba codkiis ayuu awood u leeyahay inuu yidhaahdo waan kuugu celinayaa, iyo inuu yidhaahdo mid kale ayaan dooranayaa, iyana waa xoriyad taalla” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Geesta kale madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka hadlay horumarka ay Somaliland gaadhay mudadda ay jirtay, iyo sidoo kale in bulshadu ay ku baraarugsanaato sidii ay ugu taageri lahaayeen xukuumada in horumarka jira hore loo sii wado.

“Maanta dalkeenu meel wanaagsan ayuu marayaa. Balse waa adduunyoo ma tobnawdee, dhibaatooyina way jiraan. Meesha wanaagsan ee aynu maraynaa waa horumarka aynu gaadhnay mudadii aynu ka madax banaanayn Soomaaliya.  Dhamaanteena waa inagu waajib in aynu qaranimadeena wada ilaashano, si uu horumarkeenu u sii socdo.

Waa in aynu wada dhisano qaranimadda, horumarka, waxbarashadda, caafimaadka, iyo biyaha, waxaynu ku gaadhi karnaa nabada, iyo iskaashi, iyo qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland oo aynu wada ilaashano, oo aynu wada difaacno” ayuu yidhi madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi.