Somaliland Waa la Ictiraafayaa Jabuutina inta Canfartu Dagto Itoobiya ha Lagu Daro….”

0
68

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka qayb galay munaasibada ay ku qalin jebinayeen ardayda Jaamacadda New Generation ayaa waxa uu ka hadlay dalabka Jabuuti eek u aadan siinta Deked ay leedahay Itoobiya, waxaanu soo jeediyay in dhulka ay degaan Canfaru lagu daro Itoobiya sidaasina ay Itoobiya ku hesho badd badd ay leeyihiin oo ka mid ah Kilalka Canfarta.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka jawaabay dedaalka ay Jabuuti ku bixinayso in uu bur buro heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo ay rabto in Somaliland laga saaro heshiiskaasi, waxaanu sheegay in ay dunida uga hawl yar tahay in deegaanka Canfarta Itoobiya lagu daro halka inta kalena Somaliland la raaciyo, Jabuutina meesha laga saaro, halkii Somaliland laga saari lahaa waxaanu yidhi

“Dawladda Jabuuti ayaan la hadlayaa, Jabuuti waxay tidhi Tajoora ayaanu bixinaynaa si Somaliland looga maarmo, waxaan anaguna leenahay Somaliland markasta waa la Ictiraafaya oo waad dawlad jirta laakiin in Jabuuti intay ka degto Danaakiladu ha lagu daro Kilalka ay Danaakiladu ka degto Itoobiya, halkaasi ayay Itoobiya ka helaysaa badda ay leedahay oo Kilalka Danaakilada ka tirsan.

Inta Ciisahana anaga hala nagu soo daraanu leenahay Jabuutina halkaasi ha ka baxdo ayaanu leenahay, ninka Somaliland ha ka baxdo leh, taasaa adduunka u hawl yar baanu leenahay Jabuutina walaaladood Somaliland ha ku soo biiraan”.