Dagaaladii Yaabka Badna Ee Caalamka

0
49

Dagaalada yaabka leh ee dhex maray dawladaha caalamka waxa ka mid ah mid ka dhex qarxay sanadkiiย  1925 labada dal Giriiga iyo Bulgariya, labada dawladood ayaa ka qayb galay dagaalkii koowaad ee dunida iyagoo iska soo horjeeday. Markii dagaalkii uu dhamaaday goobaha xadka ee labada dal wadaagaan waxa ay ahaayeen kuwo degan laakiin haddana uu shaki badani ka jiray.

Haddaba bishii October 22, sanadkii 1925ย  magaaladda ku taalla xadka labad dal ee Petric waxa ka gudbay oo u tallaabay dhinaca Bulgaariya, Ey uu lahaa askari Giriig ah. ย Markii uu tallabayna Waxa Eygaasi toogtay Askarta ilaalada xadka ee Bulgaariya, isla markiibana halkaasi ayu uku dhintay.

Dawladda Giriiga ayaa arinkaasi ka cadhootay waxaana ay weerar adag ku qaaday maalintii ku xigtay magaalada Petric. Magaaladaasina waa ay wada qabsatay, ย iyagoo iskaga baxay ciidankii Bulgaariya.ย  Waxaana uu noqday dagaalkaasi mid ka mid ah kuwii ugu yaabka badan ee caalamka ka dhacay

Sidoo Bishii Augstย  27 Sanadkii 1896 dagaalkii dhexmaray dalka Ingiriiska iyo Xaakinkii Sinisbaar. oo socday muddo 38 daqiiqo keliya ayaa noqday dagaalkii dunida ugu gaabnaa ee dhaca. Dagaalka ayaa istaagay markii Sinsibaar iclaamisay inay dagaalkii ka baxday.