Deeq Waxbarasho oo Itoobiya Siiyay JSL oo Imtixaan loo Galay

0
53

Qore Cabdiwahaab Daahir

Hargaysa (Dawan) Guddida tacliinta sarre ee Jamhuuriyadda Somalialnd ayaa imtixaan ka qaaday 524 Arday kuwaas oo u tartamayey kaalmo waxbarasho oo Somaliland ay ka heshay dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay.

Imtixaankan ayaa lagu galiyay hannaanka Online-ka ah, waxaaney ardaydu u tartamayeen qaybaha kala duwan waxbarashada, waxaaney 490 arday u tartamayey heer ka labaad ee jaamacada, halka 34 kaalmood loogu tartamayey PHD.

Imtixaankan laga qaadayey Ardayda ayaa waxa goob joog ka ahaa Gudoomiyahay Tacliinta sare, guddoomiye ku xigeenka, iyo saraakiil ka socotay dalka Itoobiya.

Gaba-gabdii waxa halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Koomishanka Tacliinta sare isla markaasna ardayda Imtixaanka galasay siiyey dardaaran, tusalayn iyo dhirigalin, waxanu sidoo kale hoosta ka xariiqay in Dawlada Ethiopia tahay midda Deeqaha Waxbarasho ee ugu badan siisa JSL isla markaasna ay abaal wayn u hayaan ka Somaliland ahaan.