Eedaha ay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranku Ku Soo Oogeen Xildhibaan Maxamed Abiib

0
65

Hargaysa (Dawan)- Xeer ilaalinta guud ee qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay qodobadda danbi ee lagu soo eedeeyay xildhibaan Maxamed Abiib Jaamac, oo ka tirsan xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland lagana soo doorto gobolka Awdal.

Xildhibaan Maxamed Abiib, oo ay ciidamadda amaanku ka xidheen magaaladda Hargaysa, ayaa eedaha loo soo jeediyay waxaa loo cuskaday qodobo dastuuri ah iyo xeerarka iyo shuruucda dalka u yaalla ee  uu ku xad gudbay xildhibaanku.

Waxay xeer ilaalintu sheegtay in xildhibaanku uu galay denbiyo lidi ku ah wada jirka bulshadda reer Somaliland iyo sidoo kale falal la xidhiidha kicin dadweyne iyo dastuur jebin inuu kula kacay qodobo ka mid dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.

Eedahaasi oo ay ku soo oogtay xeer ilaalinta guud ee qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo ka koobnaa lix qodob ayaa lagu faah-faahiyay eedaha iyo denbiyadda dastuur jebinta ah ee  uu ku kacay xildhibaan Maxamed Abiib Jaamac.

Waxaana eedaymahani lagu soo oogay xildhibaan Maxamed Abiib Jaamac, ku saxeexnaa Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan Jaamac Hayaan.

Eedaha la xidhiidha denbiyadda lagu soo oogay xildhibaanka ayaa u dhignaa sidan, “Iyadoo aanu hore idiinku soo gudbinay in dacweysanaha laga xayuubiyo xildhibaan Maxamed Abiib Jaamac, sida ku cad qoraalka ku taariikhaysan 14/07/2024, taasoo aan ilaa hada golaha Wakiilada ka gudan waajibaadkiisii dastuuriga ahaa ee saarnaa muddo ku dhaw laba bilood.

Hadana, xildhibaanku waxa uu sii watay ficiladda qaran-dumisnimadda ah, intii ka danbaysay mudadaasi. Waxaana safarkiisa uga danbeeyey ee uu kaga yimid Dubai, maalinkii shalay (doraad), halkaasi oo uu ku bixiyay wareysi uu siiyay Maxamed Cumar 26/08/2024 kuna sheegay ‘in Somaliland lagu kala bixi doono oo aan la isa sii huursanaan doonin’.

Hadalkaasi oo ah kicin dadwayne, iyo inay ka horyimadaan jiritaanka qaranimada jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku kacaan falal wax yeelaynaya nabad geliyadda iyo xasiloonidda qaranka.

Xildhibaanku waxa uu caadaystay faafinta kala qaybinta bulshadda ku dhaqan Somaliland, si uu fidno u kala dhex dhigo wada jirka isku duubnida iyo walaalnimadda ummada ku dhaqan JSL.

Isagoo soo faqaya colaado lagaga heshiiyay shirweynihii dib u dhiska Somaliland ee  ka kala dhacay Burco, iyo Boorama, sanadihii 1991-kii, iyo 1993-kii.

Waxa kaloo uu xildhibaanku u addeegayaa si ka soo hor jeedda Somaliland oo taageeraysa wadamo shisheeye oo cadow ku ah horumarka iyo gooni isku taaga Somaliland. Isagoo kulamo la qaatay masuuliyiinta wadamadaasi.

Xildhibaan Maxamed Abiib, waxa uu jebiyay dhaartii dastuuriga ahayd ee inuu daacad u noqonayo dalkiisa Somaliland kuna gefay qodobka 129-naad ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu jebiyay waajibkii dastuuriga ahaa ee uu saarayay qodobka 38-naad faqradiisa 4-aad ee dastuurka oo ah inuu ilaaliyo dastuurka, amaanka iyo madax banaanidda jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yidhi eedaha danbi ee la sheegay inuu galay xildhibaan Maxamed Abiib Jaamac.