Maraykanka oo la Wareegay Diyaarad uu Lahaa Madaxweynaha Venezuela

0
56

Mareykanka ayaa qabtay diyaarad uu leeyahay madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro – isagoo ku doodday in si sharci darro ah loogu iibsaday $13m (£9.8m) si tahriib ahna looga dhoofiyay dalka. Sida laga soo xigtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka, diyaaradda Falcon 900EX ayaa lagu qabtay Jamhuuriyadda Dominican waxana loo wareejiyay gobolka Florida ee Mareykanka.

Ma cadda sida iyo goorta diyaaraddu loolgala wareegay Jamhuuriyadda Dominican. Xogta diyaaradda ayaa muujisay inay ka dhoofeysay garoonka La Isabela ee u dhow caasimadda Santo Domingo Isniintii, iyadoo timid garoonka Fort Lauderdale ee Florida wax yar ka dib.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Mr Maduro iyo dowladda Venezuela oo ku aadan arrintan. Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in diyaaradda loola wareegay tuhunno la xidhiidha ku xadgudubka xakameynta dhoofka Mareykanka iyo shuruucda la xidhiidhta cunaqabateynta.

Waxay intaa ku dareen in baadhitaan la sameeyay lagu ogaaday in dadka xidhiidhka la leh Mr Maduro ay u adeegsadeen si sharci daro ah shirkad fadhigeedu yahay Kariibiyaanka si ay ugu qariyaan ku lug lahaanshaha diyaarada oo si sharci darro ah loogasoo iibsaday shirkad fadhigeedu yahay Florida dabayaaqadii 2022 iyo horraantii 2023-ka.

Diyaaradda ayaa markaa si sharci darro ah looga dhoofiyay Mareykanka loona dhoofiyay Venezuela iyadoo lasii mariyay Caribbean-ka bishii Abriil 2023.