Maxay Dhalinyarada reer Japan isu Dilaan Xilliyadda Sannad Dugsiyeedku Bilaabmayo

0
54

Laba qof ayaa ku dhintay magaalada Yokohama ee dalka Japan ka dib markii gabadh da’yar ay iska soo tuurtay dhisme ku yaal goob laga dukaamaysto, iyada oo ku dul dhacday qof jidka marayey. Gabadhan oo 17 jir ah oo dhiganaysay dugsiga sare ayaa iska soo tuurtay dhisme ku yaalla meel mashquul ah oo ay dadku ka dukaamaysanayeen, waxaanay ku dul dhacday haweenay 32 jir ah Sabtidii todobaadkan.

Labadan qofba cusbitaal ayaa loola cararay halkaas oo ay gabadhu ku dhimatay saacad ka dib. Haweeneyduna wax yar ka dib ayey geeriyootay.

Lama oga sababaha ay nafteeda u dishay laakiin dad badan oo ka yar da’da 18 oo reer Japan ah ayaa is dila 1da bisha Sebtembar , taas oo ah wax yar uu ka hor xilliga uu bilaabmayo sanad dugsigeedka cusub  sidaana waxa lagu sheegay tira koobka rasmiga ah.

Sannadkii hore, 513 carruur ah ayaa naftooda ku dilay Japan, iyada oo dhibaatooyinka ugu badan ee arrimahan keena lagu tilmaamay inay yihiin Iskuula. Arday badan ayaan doonayn inay ku soo laabtaan dugsiga ama ay noqdaan waxa loo yaqaan futoko, ama “dadka aan dugsiga tegin.”

Sababaha ugu waaweyn ee dadku ama Ardaydu uga fogaanayaan dugsiga waxaa ka mid ah duruufaha qoys, arrimo iyaga u gaarka ah, iyo waxyaabo ay Iskuulka kala kulmaan, sida lagu sheegay sahan hore oo ay samaysay wasaaradda waxbarashadu.

Sanadihii la soo dhaafay, maamulada iyo ururada saxaafaddu waxay isku dayeen inay kor u qaadaan wacyiga bulshada ee caqabadaha ardaydu la kulmaan xilligan oo kale.

Telefishinka dadweynaha ee Japan, NHK, tusaale ahaan, waxay ku kordhisay Twitter olole loogu magac daray “habeenkii Agoosto 31”.

Dhacdo sidan oo kale ah ayaa ka dhacday Yokohama sanadkii 2020, markii wiil 17 jir ah uu ka booday saqafka sare ee xarun laga dukaameysto, oo uu ku dul dhacay gabadh 19 jir ah oo ardayad ah degmada mashquulka badan ee Osaka.

Xilligaas, wiilka waxa lagu soo oogay dacwad dil ah, taas oo la micno ah in qoyskiisu ay magdhow ku lahaayeen qoyska gabadha uu dilay hase ahaatee markii danbe waa la la laalau eeddaa.

Ilaa hadda, mas’uuliyiintu ma aanay sheegin wax dambi ah oo la xidhiidha dhimashada habeenkii Sabtida.

Iyada oo heerka isdilka Japan uu si tartiib tartiib ah hoos ugu sii dhacayo guud ahaan dadweynaha, hadna waxa uu kor uga kacaya dhinaca dhalinyarada Japan.

Japan waa dalka kaliya ee isdilka ay hogaan u yihiin dhalinyaradu.