Shirka Isku Xidhka Daneeyeyaasha Arrimaha Deegaanka Somaliland

0
47

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa magaaladda Hargaysa ka furay shirka isku xidhka daneeyeyaasha deegaanka.

Shirkani oo saddexdii bilood ba mar la qabto ayaa lagu darsaa waxyaabaha laga qabtay wadaageyaasha deegaanka, waxyaabaha qorshaysan, iyo sidoo kale caqabadaha jira ee hor taagan in la qabto.

Isbedelka cimiladda ayaa la tilmaamaa inuu Somaliland aafo aad u weyn ku yahay, isagoona ka saameeyay meelo badan oo ay ka mid yihiin abaarro is daba joog ah, xaalufka deegaanka, iyo kala duwanaashiyaha nolosha oo uu dhibaato ku keenay.

Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo shirkaasi si rasmiya u furtay ayaa tilmaantay faa’iidadda ay leedahay joogtaynta kulamadda noocan ah iyo shirarka lagaga hadlayo arrimaha deegaanka si la iskaga waraysto waxyaabaha qabsoomay iyo kuwa qorshaysan.

“Waxaynu maanta doonayno ee aynu halkan isugu nimid waxay tahay I aynu is waydiino, wixii aad soo qabateen mudadii aynu kala maqnayn iyo soo jeedimahaa ydun shirkan maanta keenteen. Waxa kale ee aynu doonaynaana wuxuu yahay shirka weyn ee aynu doonayno in aynu dadweynaha ku baraarujino, oo aynu is waydiino ayaynu wacyigelinaynaa? Ayaynu baraarujinaynaa?

Waxaad ogaataan in aad tihiin dadkii wax bedelayay. Wixii aynu halakn ku qabano waxaynu doonaynaa in aynu kula noqono ururadii aad ka socoteen, oo aad nagala shaqaysaan sidii aynu u bad baadin lahayn deegaankeenna, iyo sidii aynu ula qabsan lahayn isbedelka cimiladda, ee maanta adduunyadii saameeyay”.

C/rasaaq Jaamac Nuur (Naakhuude), agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo isna hadal ka jeediyay furitaankii shirkaasi ayaa hoos ka xariiqay muhiimadda shirkaasi.

Waxaanu tilmaamay in ay wakhtigan la joogo wax badani iska bedeleen sidii waayadii hore uu caalamku u noolaa, isla markaana ay saamayn ku yeelatay isbedelka cimiladu, “Isbedelka cimiladu waa dhibaatadda ugu weyn ee maanta caalamku ay ku mashquulsan yihiin, sidii marxaladii hore ee caalamku ku noolaa, marka laga hadlayo xaga cimiladda ay is bedeshay, inagoo aan garanaynin mustaqbalka xagga ay u socoto. Markaa waxaynu ku jirnaa barashadeedda iyo la qabsigeedda labadaba” ayuu yidhi agaasime Naakhuude.

Geesta kale waxaa shirkani ka soo qayb galay masuuliyiin iyo xubno ka kala socday ururadda iyo haayadaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee ay wada shaqaynta leeyihiin.