UK oo ku Dhawaaqday in ay Hakisay Qaar ka mida Liisanada Dhoofinta Agabka Milatari ee Israel

0
59

Xoghayaha Arimaha Dibada UK David Lammy : Waxaa jirta “khatar cad” in qalabka loo dhoofiyo Israel loo isticmaali karo “xadgudubyo halis ah oo sharciga caalamiga ah” Ku dhawaad ​​30 ka mid ah 350 rasiidh ayaa la hakiyay – Lammy waxa uu carabka ku adkeeyay in aanay ahayn cunaqabatayn xagga hubka

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay weli Israa’iil ka socdaan mudaaharaadyo – ay ka mid yihiin mid la qorsheeyay in uu ka dhaco meel dibadda ka ah guriga uu deggan yahay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu – mudaaharaadkaas oo looga gol leeyahay in lagu qasbo dowladda inay heshiis la gasho Xamaas.

Dowladda UK ayaa Qiimaynteeda ay ku salaysan tahay saddex qaybood oo kala duwan oo ka mid ah Shuruudaha Shatiga Dhoofinta Istaraatiijiga ah (SELC): bixinta gargaraka bini’aadantinimo iyo helitaankiisa, daawaynta maxaabiista, iyo hab dhaqanka ololaha milatari.

Dib u eegista dawladdu waxay ku soo gabagabaysay in ay suurtagal tahay jebinta sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada labada qeyb ee hore, laakiin iyada oo an la hayn caddaymo la xaqiijin karo waxay la macno tahay in aanay suurtogal ahayn in go’aan laga gaadho hab-dhaqanka ololaha militariga.