Warbixintii ugu Danbaysay ee Geerida Madaxweynihii hore ee Iran Raisi

0
53

Shilkii diyaaradeed ee uu ku dhintay madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raisi ayaa waxaa la sheegay in ay sabab u ahayd xaaladaha cimilada oo ay ka mid tahay ceeryaamo qaro weyn, sida uu sheegay TV-ga qaranka Iran Axadii, kaas oo soo xiganaya warbixintii ugu dambeysay ee baadhitaanka shilka.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi oo ahaa nin mayal adag oo loo arkayay in uu yahay ninka bedeli kara hogaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei, ayaa dhintay markii diyaarad uu la socday ay ku burburtay bishii May dhul buuraley ah oo u dhow xadka Asarbayjaan.

“Sababta ugu weyn ee diyaarad helikobtar ah ayaa ahayd xaaladaha cimilada ee gobolka oo cakiran,” warbixintii ugu dambeysay ayaa lagu soo gabagabeeyay, sida uu sheegay TV-ga qaranka Iran.

Ceeryaan aad u badan ayaa sababtay in diyaarada helicopter-ka ah oo ay la socdeen Raisi iyo saaxiibadiis ay ku dul dhacdo buurta, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saareen guddi sare oo ay ciidamada Iran u saareen baadhitaanka dhacdada.

Warbixin horudhac ah oo ay soo saareen militariga Iran ayaa lagu sheegay bishii May in aan la helin wax cadeyn ah oo ku saabsan ciyaar xun ama weerar intii uu socday baadhitaanka.