Xikmadaha Maanta

0
74
  • Dadka dhibtiisu waxay ka timaadaa carrabkiisa.
  • Weel kasta waxa ka soo baxa wixii gudihiisa ku jira
  • Wax kasta oo qalbiga ku jira lama sheego, amusnaanta ayaa fiican.
  • Geedka midhaha badan ayay dadkuna gurtaan.
  • Qofkii wakhtiga dhayalsada, wakhtiguna wuu iska indho tira.
  • Haddii qofku aanu sharaftiisa xumayn, markaa dhar kasta oo uu xidha waa qurux.
  • Cadawada qofka caqliga yari way ka dhib yar tahay jacaylka jaahilka.
  • Cudur kasta dawo ayuu u leeyahay, doqonnimada mooye
  • Napoleon Bonaparte wuxuu yidhi: Qofkii iskuul furaa wuxuu xidhaa xabsi.

Cilmigu waa dawada sunta khuraafaadka