Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL oo War Ka Soo Saaray Kalluumaysato Lagu Waayay Badda Berbera

0
65

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Berbera (Dawan) 48 Saacadood ee la soo dhaafay waxaa la baadhayey geeri iyo nolol laba nin oo ka mid ah kalluumaystada Berbera oo dooni kula degtay meel ka fogayn xeebaha waqooyi ee Berbera 2 cisho ka hor.

Ehelada labadan kallumaysatada ah ee la baadi goobayo oo shalay isugu yimi xarunta Kallumaysatada Berbera ayaa sheegay in labada wiil aan raq iyo ruux toona la hayn balse ay ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ku guulaysteen inay helaan doontii ay ku kalluumaysanayeen iyo qalabkoodii.

Sidoo waxa ay xukuumadda ka codsadeen in laga gacan siiyo sidii loo heli lahaa labadaasi wiil nolol iyo geeriba.

Waxa ay ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland baadi goob ku jiraan sidii ay u heli lahaayeen labadaasi wiil ee Kalluumaysatada ah, taasi oo la raadinayo sadexdii maalmood ee u danbeeyay, waxaana la sheegay in ay xarunta Kalluumaysiga Berbera ka amba baxeen 01/09/2024 wakhti ay ku began tahay shanti galabnimo, ilaa haddana aan la hayn nolol iyo geeri meel ay joogaan.

Taliyaha ciidanka ilaalada Xeebaha ee saldhiga koowaad ee magaaladda Berbera Gaashaanle sare Cumar Cabdi Qalinle ayaa waxa uu ka xog bixiyay dedaalada ay ka ciidan ahaan ku baadigoobayaan labada wiil ee Kalluumaysatada ah, waxaanu xusay in 24-kii saacadood ee u danbeeyay in ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ay ku jireen badda si ay u helaan raq iyo ruux labadaasi wiil.

Taliyaha saldhiga koowaad ee ciidanka ilaalada Xeebaha Berbera ayaa sheegay inay doontii ay wateen labada wiil ay la degtay isla markaasina ay warka heleen Bishan sagaalaad labadeedii gurmadna u direen balse aanay helin Kalluumaysatadii nolol iyo geeri midna, taasi badelkeeda ay heleen doontii ay wateen iyo qalabkii ay ku Kalluumaysanayeen, waxaanu xusay in ay ciidanku hawlgalkii ku jiraan ilaa kowdii Bishan sagaalaad.

Taliyaha ayaa u soo jeediyay wasaaradda Kalluumaysiga inay waajib ka dhigaan in Kallumaystada badda galaya ay xidhaan qalabka badbaadada ee ka caawinaya inay biyaha ka badbaadaan, waxaanu Kalluumaysatada Barebera ugu baaqaya inay khatarta badda ka qalab samaystaan.