Qudhaanjada Iyo Maadada Acid Oleic!

0
45

Qudhaanjada ayaa ah cayayaan marka ay dhintaan sida dadka isu Aasaya. Saynis yahanada ayaa cadeeyay in Qudhaanjadu marka ay dhimato ay sii dayso maado hawo ah ooย  kooxaha kale Qudhaanajada u sheegaysa inay dhimatay una baahan tahay in degdeg loo aaso inta aanay cayayaanka kale jiidan.

Mid ka mid ah Saynisyahanka ayaa maadada dusha kaga shubay Qudhaanjo nool , taasi oo keentay in Qudhaanjooyinki kale ku soo degdegaan isla markaana ay aasaan iyadoo nool oo dhaqdhaqaaqaysa. Hawadan ayay urteeda dhamaataa marka ay aasaan.ย  Maadadan ayaa lagu magacaabaa Acid Oleic. Maalintii waxa dhinta boqolaal Qudhaanjo ah, Maadadan urteeda ayay dareemaan dhamaan Qudhaanjooyink kale ee u xil saaraan aaska Qudhaanjada dhimata.

Marka ay Qudhaanjadaasi aasan ayay dhamaantood carabkooda iskaga masaxaan maadadaasi si aan loo aasin iyago nool. Edward O.Wilson ayaa sheegay in tijaaboyinkaasi dhamaan ay sameeyeen.ย  Dhibataada Qudhaanjada haysataa waa iyadoo aan caqli lahayn oo haddii madaada aanay iska masixin marka ay aasaan mid ka mid ah oo dhimatay in marka danbe iyadoo nool ay aasayaan.