Saamaynta Somaliland ee Siyaasadda Geeska Afrika

0
112

Qore: Khadar M. Xaashi

Hargaysa (Dawan) Somaliland waa dal Dimuqraadiya oo dhaca Bariga Afrka, gaar ahaa Geeska, kaasi ku talaabsaday talaabooyin ay dhif iyo naadir tahay in lagu arko Qaaradda Afrika iyo tan Geeskaba.

Somaliland waxaa ka qabsoomay Doorashooyin xor ah isla markaasi ah qof iyo cod, kuwaasi oo lagu doortay madaxwaynaha iyo Xildhibaano Wakiillo iyo Deegaan intaba, jiritaanka Somaliland waxaa jirid u ah wadajirka iyo midnimada bulshada kuwaasi oo dhiiga nabadgelyada ku shuba Qarankooda.

Somaliland waa dal leh xuduudo mucayn ah kuwaasi oo uu qeexayo cahdiga ka dhexeeya guud ahaan ee u dhexeeya dalalka Afirka (African Chater) iyo ka adduun waynahaba, waxaana suga ciidan noloshooda u hibeeyay jiritaanka iyo ilaalada dalkooda iyo dadkooda.

Ujeedad qoraalkeenu maaha in aynu ka warbixino jiritaanka iyo doorashooyinka Somaliland balse qalinkeenu wuxu ku qotomaa, saamaynta siyaasadeed ee ay Somaliland ku leedahay siyaasadda geeska Afrika iyo sida ay uga dhex muuqato ama ay shookaanta ugu hayso.

Somaliland waxa ay bilawgii sanadkan aynu ku jirno si ku dhac leh heshiis ula gashay dawlada Federaalka Itoobiya kaasi oo ku saabsanaa iskaadhi dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo isticmaalka Biyaha badda Somaliland, kaasi oo keenay in xasaasiyad siyaasadeed ay ka dhalato dhammaan wadamada geeska Afrika, waxaana bilaabmay in dalalka qaar ay ka nasan waayaan heshiiskan oo ay ku abuurto xasilooni darro siyaasadeed oo gudahooda ah, iyaga oo waxa ugu badan ee ay ka hadlayaan uu noqday Somaliland iyo sidii ay u dhibaatayn lahaayeen, halka ay ahayd inay danahooda ku mashquulaan.

Dhacdadan ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo guud aah caalamka gaar ahaan geeska Afrika, waxaanay keentay in dal kasata oo lidi ku ah jiritaanka iyo horumarka Somaliland uu bilaabo inay dacwado geeyaan meel kasta oo ay u arkayeen inay wax kala qaban karto, taasi oo ay kow ka tahay dawladda Soomaaliya.

Jabuuti ayaa iyaduna bilawday inay ka xajiimooto heshiiska Somaliland iyo Itoobiya waxaanay geed kasta u fuushay sidii ay u fashilin lahayn heshiiska Somaliland iyo Itoobiya balse waa ay u suurto gali wayday.

Soomaaliya ayaa magansatay Turkiga waxaanay ka bariday in la wada hadashiiyo Itoobiya si loogu qanciyo inay ka noqoto heshiiska Somaliland balse dawladda Itoobiya oo dhawraysa heshiiska Somaliland ayaa ka gaws adaygtay, waxaana lagu kala kaca fadhiyadii lagu dhex dhexaadinayay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhacdada layaabka leh ayaa noqotay in Soomaaliya oo markii hore Somaliland ku eedaynaysa inay iibsanayso baddii Soomaaliyeed oo bulshada Muqdisho ku guubaabinaysay inay kacaan oo badooda difaacaan ayaa markii Turkiga la gole joojiyay, ku tiraabtay badda aad doonto ayaan ku siinayaaye ka noqo heshiiska Somaliland, waxaana arrintaa af kala qaad ku noqotay shacabkii ku noolaa Muqdisho iyo meelaha la midka ah.

Jabuuti oo iyadana dagaalka dhinac kaga jirtay una xusul duubnayd fashilinta heshiiskan ayaa dhawaan ka dhawaajisay inay Itoobiya siinayso badda ay maamulaan boqolkiiba boqol, taasi oo ay ka siinayaan gobolka Tajoora, waxana aad loola yaabay dhawaaqa ka soo yeeshay Jabuuti.

Dagaalada ay Somaliland la galeen dawladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ee ku tilmaaman heshiiska dhinaca Badda ayaa ahaa in Somaliland lagala dagaalamo dhinaca horumarka iyo dhaqaalaha kuwaasi oo ay rabeen inay iyagu heshiiskaasi hantiyaan oo Somaliland ka qado, balse Somaliland waa ay ka gaashaamatay dhacdo kasta oo waajahday dhinacyadan.

Dhacdadan ayaa tilmaan iyo tusaale u ah sida ay Somaliland iftiinka iyo shamaca uga tahay siyaasadda guud ahaan Afrika gaar ahaana geeska, waxaanay kaalin muuqata ka ciyaartaa dirawalinta iyo hagida siyaasadda guud ee Geeska Afrika, waana markhaati cad oo in la tilmaamo mudan.