Xabsi ku Yaalla Dalka Congo oo Dad Badan ku Dhinteen

0
54

 

Wasiirka cadaaladda ee Congo ayaa cambaareeyay isku day dil oo ka dhacay xabsiga ugu weyn dalkaasi oo ay ku dhinteen boqol iyo labaatan iyo sagaal qof. Wuxuu ku tilmaamay fal qaran dumis ah oo la sii qorsheeyay. Waxaa socda baadhitaan lagu ogaanayo laguna maxkamadeynayo dadkii ka dambeeyay falkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in afar iyo labaatan maxbuus la toogtay intii xabsiga lagu jiray, qaar kalena ay neef-qabatimeen. Kuwa isku dayay in ay baxsadaan ayaa dab qabadsiiyay xabsiga dhexdiisa kaas oo si degdeg ah ugu faafay gudaha jeelka.

Wasiirka oo lagu magacaabo Mutamba ayaa joojiyay in maxaabiista laga wareejiyo xabsiga, wuxuuna ballan qaaday inuu sii xoojin doono dadaallada lagu yareynayo cidhiidhiga xabsiyada dalka oo dhan ka jira. Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in uu qorsheynayo in xabsi cusub laga dhiso meel ka baxsan caasimadda Kinshasa. Xabsiga Makala, oo shilku uu ka dhacay, waxaa la dhisay 1950-meeyadii, waxaana hadda ku jira in ka badan toban kun oo maxbuus, oo aad uga badan intii loogu tala galay.