Dad badan oo laga Walaacsan Yahay in lagu dilay duqeyn ka dhacday Gaza

0
51

Adeegga gargaarka deg degga ah ee Gaza ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il aroornimadi hore ee Talaadada maanta ah ku bartilmaameedsadeen, teendhooyin ay ku noolyihiin dadka ku baracakay dagaalka Gaza lagu dilay tiro aanan wali la cayimin oo u badan rayid.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dadka la dilay ilaa hadda ay gaarayaan 40 qof, waxaana laga cabsi qabaa in tirada ay sii kororto.

Saraakiisha caafimaadka ayaase xaqiijiyay dhaawaca 65 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Rueters. Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay beegsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla koofurta Gaza.

Dadka deegaanka iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in teendhooyin ku yaalla xerada Al-Mawasi ee duleedka degmada Younis, oo ah goob ay Isra’il u calaamadeysay in ay tahay zoon colaadda ka caagan la bartilmaameedsaday.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay in ilaa afar gantaal lagu garaacay xarunta. Xerada ayaa la ciireysa qoysas badan oo Falastiiniyiin barakac ah oo isaga kala yimid meelo badan oo Marinka Gaza ah.

Ilaa 20 teendho ayaa la sheegay in uu dab qabsaday, walina lama oga khasaaraha dhabta ay ee duqeyntaasi.
Waaxda Caafimaadka Gaza ayaa horay u sheegtay in tirada dadka lagu dilay Gaza ay kor u dhaaftay 40 kun oo Falastiinyiin ah tan iyo 7-badi October.