Nibiri basaas ahaa oo maydkiisa la helay ayaa la sheegay sababta uu u dhintay

0
48

Nibiri loo malaynayo in uu Ruushku u tababaray sidii “basaasnimo” oo maydkiisiina la helay ​​horaantii bishan ayaa baadhitaan lagu sameeyey dilkiisa, waxaana baadhitaanku cadeeyey in aan toogasho lagu dilin sida ay booliisku sheegeen.

Kooxaha u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa ku andacoodey in Nibirigan beluga, laguna naaneeso Hvaldimir, la toogtay markii meydkiisa la helay 1-dii Sebtembar.

Laakiin baadhitaan lagu sameeyey meydkiisa oo la soo gabagabeeyay waxa lagu cadeeyey in dhimashadiisa ay horseeday ul ama qori afka u gashay.

Hvaldmir waxa uu caan noqday bishii April 2019 markii laga helay biyaha Norway isaga oo ay kamarad jidhkiisa ku xidhan tahay, taas oo keentay in la sheego inuu yahay basaas nooc kale ah.

Meydka nibiriga ayaa laga helay isaga oo dul sabeynaya badda u dhow magaalada Risavika , oo ku taal xeebta koonfur-galbeed ee Norway.

Booliiska Norway ayaa furay baadhitaan kadib markii laba kooxood oo u dooda xuquuqda xayawaanka – One Whale iyo Noah – ay gudbiyeen cabasho ku saabsan dhimashada noolaha.

Mid ka mid ah aasaasaha Whale Regina Haug ayaa sheegtay wakhtigaas inay aragtay “nabarro badan oo rasaas ah” oo meydka ku yaal.

Sawiradii ugu horeeyay ee uu One Whale ku daabacay baraha bulshada ayaa u muuqday kuwa muujinaya waxa ay kooxdu ku andacoonayso in ay yihiin dhaawacyo rasaas ah oo ku dhacay jidhka Hvaldimir oo dhiig baxay.

“Dhaawacyada nibiriga waa naxdin iyo dabeecad aan meesha ka saari karin fal dambiyeed – waa wax laga naxo,” ayuu yidhi agaasimaha Noah, Siri Martinsen.

Balse baadhitaan la sameeyay ayaa muujinayay ul dhererkeedu dhan yahay 35cm (14in) iyo 3cm oo balac ah ay ku jirto afka nibiriga, sida ay sheegeen booliiska degmada Koonfur Galbeed Isniintii todobaadkan .

Bilaysku waxa ay sheegeen in Hvaldimir uu sidoo kale soo gaadhay qaar ka mid ah dhaawacyada “gabi ahaanba,” isaga oo raaciyay “ma jiraan wax caddayn ah oo muujinaya in Hvaldimir la toogtay”.

“Ma jiraan wax baadhitaan ah oo la sameeyay oo lagu xaqiijinayo in ay tahay dhaqdhaqaaq bani’aadam oo si toos ah u horseeday dhimashada Hvaldimir,” bilayska ayaa yidhi.

Nibiriga cad ayaa caan noqday ka dib markii lagu arkay biyaha Norway shan sano ka hor markii la arkay isaga oo xidhan kamarad GoPro ah iyo suun ay ku qoran tahay “Qalabka St Petersburg”. Iyada oo laysla dhexmaray inuu ku jiray hawlo basaasnimo ah.

Magaca Hvaldimir ayaa loo macaneeyey inuu ka taagan yahay erey Norway ah oo Nibiriga la yidhaahdo, “hval,” iyo magaca koowaad ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin .

Hvaldimir ayaa markii ugu horreysay u soo dhawaaday doonyaha Norway bishii Abriil 2019 meel u dhow jasiiradda Ingoya, oo qiyaastii 415km (260 mayl) u jirta Murmansk, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin maraakiibta woqooyi ee Ruushka.

Aragtida ayaa soo jiidatay dareenka sababta oo ah Nibiriga belugas dhif ah ayaa lagu arkaa koonfurta fog ee Arctic sare.

Ruushka ayaa taariikh u leh inuu u tababaro naasleyda badda sida Dolphins-ka ujeeddooyin ciidan , barta internetka ee Barents Observer ayaa aqoonsaday qalimaanta nibiriga meel u dhow saldhigyada ciidamada badda ee aagga waqooyi-galbeed ee Murmansk.