Wasaaradda Gaadiidka oo Daahfuray Hagaha Maamulka Gadiidka Dowladda

0
40

Hargaysa (Dawan) Wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta iyo jidadka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka daah furtay hagaha maamulka Gaadiidka dawlada.

Agaasimaha guud ee wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Abdeeq, ayaa faah faahin ka bixiyey ahmiyada u leeyahay hagani iyo sidoo kale waxyaabaha ku duugan hagahan ee looga baahan yahay dadka gacanta ku haya gaadiidka dowlada ee ka hawlgala wasaaraddaha iyo Hay’adaha kale ee dowlada.

Geesta kale waxa uu Agaasimuhu ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray hagani la rabo in lagu hago gaadiidka dawaladda iyo sida loogu baahnaa in loogu sameeyo gaadiidka dawladda, kuwaasi oo baahi wayn u qabay inay helaan hage lagu hago.

Gaba-gabadii, waxa madasha lagu soo bandhigayey gagaha gaadiidka dowlada, ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada Horumarinta jidadka Muuse Yuusuf Selef, waxaanu is dultaagey hagahan iyo qaabka uu uu ushaqeynayo

Waxaanu yidhi. “Laba ujeedo uunbaanu shirkan ka leenahay, midi waa, hagaaha gadiidid dowlada hortiiley oo laga soo dheegay siyaasada gadiidka dowlada oo ay 2019 golaha wasiiradu ansixiyeen.

Talabaad madama lagu jiro wakhto doorasho, hantida dowladuna tahay in la ilaaliyo iyo sidii loo ilaalin lahaa Gaadiidka”.