Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL oo Qaabiley Safiirka Dalka Itoobiya

0
49

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, àyaa la kulmay danjiraha Itoobiya u fadhiya Somaliland Teshome Hamito oo booqasho ku tagay wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa danjire Teshome Hamito guul u rajeeyay muddada uu joogo safaaradda Itoobiya ee Somaliland.

Warkan oo soo gaadhay xafiiska warqabadka ee Wargeyska Dawan, ayaa u dhigna sidan.

“Teshome Hamito ayaa magacaabistiisu qayb ka tahay xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaana dhawaan waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.”