Wasiirka Tamarta iyo Macdanta oo Qaabilay Maalgashato ka Socda Dawladda Imaaraadka Carab

0
72

Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Faarax Cabdi oo ay waheliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Siciid Axmed Jibriil iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cismaan Saciid ayaa qaabilay Shirkadda Emirates Industrial Laboratory oo ah maalgashato ka socda dawladda Imaaraadka Carabta (United Arab Emirates UAE).
Shirkaddan laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaaay danaynaayay inay maalgashi ku sameeyaan wax-soo-saarka Macdanta kala duwan ee dalka Somaliland iyo in ay wasaaradda Tamarta iyo macdanta kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Laabka (Shaybaadhka) macdanta lagu baadho.
Kulankan intii uu socday masuuliyiinta wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta shirkada Emirates Industrial Laboratory ayaa waxa ay aad u gorfeeyeen sidii looga wada shaqayn lahaa kor-u-qaadista wax-soo-saarka dhinaca Macdanta iyo Tamarta ee dalka iyo sidii suuq caalami ah loogu heli lahaa.
Geesta kale kulanka ayaa masuuliyiinta wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland waxa ay kala hadleen masuuliyiinta shirkada Emirates sidii loo horumarin lahaa shaybaadhka macdanta lagu baadho, kaasi oo kaalin muhiim ah ugu jira shaqada iyo horumarka wasaaradda, waxaana la isla qaatay in wax laga qabto casriyaynta shaybaadhkaasi.
Gebo’gabadii kulankan laba geesoodka ahaa ayaa ku soo dhammaaday is af-garad iyo in la xoojiyo xidhiidhka labada dhinaca, sidoo kalena kor loo qaado is kaashiga wasaaradda iyo shirkada Emirates iyo sidii maalgashi loogu samayn lahaa macdanta dalka.