“Aqoonta Aad Barateen Ku Suuliya Qabyaalada Ragaadisay Horumarka Dalka” Mudane Saylici

0
48

Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ka baxay jaamacada Golis ka codsaday inay aqoontooda iyo waayo aragnimadooda ay Somaliland kaga saaraan waxyaabaha ragaadiyay horumarkeeda ee ay ka mid yihiin aafada daroogada iyo qabyaaladu.

Sidoo kale waxa uu xusay in cilmiga iyo aqoonta ay barteen ay u samraan, waxaanu kula dardaarmay inay siiwadaan dadaalkooda, isla markaana ay sii laba jibaaraan.

Geesta kale Madaxwayne kuxigeenka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in nabadgalyada dalka meel looga soo wada jeesto, isla markaasna nabadgalyo la’aanteed aanay suurto gal noqoteen in ay xafladani sidaa quruxda badan u dhacdo.

Waxaanu sidan ka sheegay munaasibadii qalinjabita Jaamacada Golis, oo ay ka soo qayb galeen, maamulka jaamacada, ardayda, xubno ka mid ah golaha wasiirada, mudan iyo marti sharaf kale.

Waxaanu yidhi.“In dhibaatooyinka Somaliland ka jira iyo caqabadaha ee horumarku ka dhaqaaqi laayahay aad ka jawaabtaan, ee aafada daroogada kala duwan iyo mukhaadaraadka iyo aafada qabyaalada in aad aqoontiina uga faa’ideysaan, in Somaliland maanta aad kala dagaalantaan taasi ayaad ku taraysaan”

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waalidiintii wax soo baray ardayda ku hanbalyeeyay dadaalkii nafhurnimadalahaa ee ay galiyeen una soo dhabar adeygeen.

Gaba-gabdaii Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Soomaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, ayaa shahaadooyinkii ay muteysteen guddoonsiiyay ardaydii ka qalin qoratay jaamacada Golis.