Baanka Dhexe ee oo Daahfurka Adeeg Baahi Weyn Loo Qabay

0
60

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa ayaa shalay lagu qabtay munaasibad lagu daahfurayo xafiiska isweydaarsiga aaladaha maaliyadeed ee Baanka dhexe ee Somaliland.

Munaasibadii daahfurka waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, guddoomiyaha baanka dhexe mudan iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku xigeenka baanka dhexe ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa si qotodheer uga waramay ahmiyada uu xafiiskani u leeyahay nidaamka maaliyadeed ee dalka, isaga oo xusay in isweydaarsigan cusub uu gacan weyn ka geysan doono horumarinta iyo hufnaanta nidaamka dhaqaale ee Somaliland.

Agaasimaha xafiiska Isweydaarsiga, Mudane Abdinasir Mohamed Jama, ayaa warbixin kooban oo dhammays tiran ka bixiyey sida uu xafiisku u shaqeeyo iyo hannaanka farsamo ee uu adeegsado.

Sidoo kale Waxa uu carrabka ku adkeeyey in xafiiskan uu fududeyn doono isweydaarsiga maaliyadeed ee dalka, taas oo kor u qaadi doonta isku xidhnaanta iyo hufnaanta hay’adaha maaliyadeed dalka.

Munaasibadda waxaa kale oo hadallo muhiim ah ka jeediyey wasiirka wasaaradda Maaliyadda, Mudane Sacad Cali Shire, oo si gaar ah u dul istaagay kaalinta muhiimka ah oo uu xafiiskan ka ciyaari doono kobcinta dhaqaalaha iyo hannaanka lacag bixinta.

Sidoo kale waxa uu wasiirku ku dheeraaday mhiimada uu u yeelan doono habka isku xidhnaanta Hay’adaha maaliyadeed ee dalka, taasi oo kaalin wayn ka qaadanaysa koboca iyo Tayada Hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Sidoo kale, Dr. Adna Aadan iyo madaxda ugu sarreysa Baananka aarka ah ee dalka ayaa iyaguna ka hadlay muhiimadda xafiiskan uu u leeyahay kobaca iyo fur furnaanta dhaqaalaha dalka.

Ugu danbayntii, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Dr.Cali Cabdilaahi Dahir, ayaa si rasmi ah u daahfuray xafiiskan, isaga oo si qoto dheer u faahfaahiyey muhiimadda uu leeyahay xafiiskan isweydaarsigu ee ku aaddan nidaamka maaliyadeed ee dalka, furfurnaanta dhaqaalaha, iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Somaliland. Wuxuu sidoo kale bogaadiyey dadaalka iyo farsamada lagu bixiyey hirgelinta mashruucan oo ah mid saldhig u noqon doona horumarka maaliyadeed ee mustaqbalka Insha Allaah.