Doorashada Maayarkii Ugu Yaabka Badna!

0
55

Bishii September 13, 1938-kii magaca “Boston Curtis” ayaa ku ku guuleystay doorashada guddoomiye-goboleedka degmada Milton, Washington ee dalka Maraykanka, ka dib markii cod aqlabiyad ah uu ku soo baxay doorashadii gobalka.

Boston Curtis muu gelin olole xooggan oo doorashada ah, mana soo bandhigin barnaamijiyo iyo khudbado dadka soo jiita. Si kastaba ha ahaatee, doorashadiisu haddana may ahayn mid amankaag ku riday bulshada. Laakiin markii dadkii deganaa Milton ay ogaadeen in Boston Curtis uu doorashada Milton ku guulaystay may jeclaysan sababtoo ah Curtis waxa ay ahayd baqal dhego dhaadheer oo midabkeeduna ahaa boodhe.

Guushii doorashadii Boston  Curtis waxaa maaraynayay  duqa magaalada Milton, Mr.Kenneth Simmons. Mayarka ayaa u xereeyay baqasha dhamaan cadaymihii iyo waraaqihii ay doorashada ku gelisay si loogu diiwan geliyo xubnaha tartanka doorashada ka qayb qaadanaya, isla markaana isaga ayaa u wada sexeexay wixii looga baahna musharaxa baqasha ah.

Mayorka Mr.Simmons ayaa arinkan u sameeyay laba sababood oo tan hore ahayd inuu yaab ku rido xisbiga Jamhuuriga ee la tartamayay. Iyo weliba isago doonayay in uu muujiyo faa’iido la’aanta nidaamka codaynta iyadoo tani caddaynaysay in cod-bixiyeyaashu inta badan aanay garanayn cida ay taageerayaan iyo waxa uu u qabanayo.