Wasaaradda Kalluumeysiga oo soo saartay Wareegto la Xidhiidha Wakhtiga Bad Xidhanka

0
46

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta Kalluumeysiga iyo horumarinta xeebaha Somaliland Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa soo saaray wareegto lagu dhaqmayo xilliyada bad xidhanka iyo bad furanka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in iyaga oo ka duulaya ilaalinta badqabka Kalluumeysatada dalka ee masuuliyadu ka saaran tahay isla markaana xog ogaal u ah khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhaca baddaha dalkeena in ay ka wasaarad ahaan go’aansadeen in ay soo saareen go’aamo la xidhiidha xilliyada bad xidhanka iyo furanka.

Wargeetadan oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda horumarinta Kalluumeysiga iyo xeebaha Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo soo gaadhay wargeyska Dawan, kana koobneyd shan qodob ayaa u dhigneyd sidan.

1 In badda Jamhuuriyadda Somalialnd ay xidhan tahay isla markaana aan la gali karin 1/6 ilaa 15/09 ee sannadkasta, marka laga reebo doonyaha cabirkoodu yahay 15 Mitir.

2 Marka lagaadho 01/9 waxa kaliya oo badda gali karra doonyahay loo yaqaano Volvo

3 Mulkiile kasta o oleh laash ama doon Kalluumeysi waa in uu saaro qalabka badda sida Seenyaalaha isgaadhsiinta iyo agabka kale.

4 Maamulada wasaaradda ee heer gobol iyaga oo kaashanaya ciidanka ilaalada xeebaha waxay hubinayaan Laash iyo Doonkasta inay ay sitaan qalab, cunto iyo biyo ku filan.

5 Sidoo kale sidii ay shaqay ahayd waxa la diwaangelinaya Laash iyo Doon kasta oo u baxaysa dhanka badda, iyada oo la diwaangelinayo tirada dadka saaraan iyo xilliga ay baxayso.

Fiirgo gaar ah, isu’duwayaasha gobollada Saaxil, Awdal iyo Selel waxa la farayaa in ay fuliyaan wareegtadan.