Xukuumadda JSL oo Xidhay Maktabaddii Masar ee Hargeysa

0
110

“Go’aankani maaha mid fudud laakiin badbaadada muwadiniinteenu waa masuuliyadda Qaran oo muhiim ah”

 

“Dawladda Somaliland waxay aqoonsatay walaacyo amni oo halis ku ah Qaranka, sidaasi darteed waxay go’aansatay si joogto ah loo xidho Maktabadda dhaqanka ee Masar”

 

“Waxaanuna aaminsan-nahay in go’aankani yahay mid dani ugu jirto dalka iyo Mandaqadaba” Wasiirka arrimaha dibada JSl

 

“Cid kasta oo ku xad gudubta Qaranka talaabo adag ayaanu ka qaadi doonaa.”

 Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Xukuumdada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u xidhay Maktabada dhaqanka ee dawladda Masaaridu ku lahaayeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyada oo xukuumaddu arrintaasi ku sifaysay in Maktabadaasi ay kharat ku tahay amniga dalka iyo ka mandaqadaba.

Sidoo kale xukuumaddu waxa ay sheegtay in is afgaradkii ay Jamhuuriyadda Somaliland la saxeexatay dawladda federaalka ah ee Itoobiya uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay hadhay oo kaliya in heshiis rasmi ah loo bedelo, taas oo ah guul Qaranka u soo hoyatay.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa ku dhawaaqay go’aanka ay xukuumaddu ka gaadhay xarunta Maktabadda Masaarida ee Hargaysa ee Iridaha loo laabay. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan maanta shaacinayaa go’aan ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka soo saartay Maktabadda dhaqanka ee Masar, taasi uu ku taala Hargaysa, caasimadda Somaliland.

Waxa jira oo ay dawladda Somaliland aqoonsatay walaacyo amni oo halis ku ah Qaranka, sidaasi darteed wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga caalmiga ah, waxa ay go’aan-satay in ay lagama maarmaan tahay in si joogto ah loo xidho Maktabadda dhaqanka ee Masar, kuwa ka shaqeeyana dalka laga saaro muddo dhawr iyo todobaatan saacadood ah.”

Wasiirku waxa uu sheegay in go’aankani aanu ahayn mid fudud, balse badbaada muwaadiniinta reer Somaliland ay tahay masuuliyad qaran oo mudnaanta koobaad leh, waxaanu yidhi “Go’aankani maaha mid fudud laakiin badbaadada muwadiniinteena waa masuuliyadda Qaran oo muhiim ah, waanu ognahay Masar hubka ay ku soo daldashay dawladda Muqdisho oo aan aaminsan nahay inay wax yeelayso, nabadgelyadda iyo xasiloonida mandaqa, sidaasi daraadeed waxa aanu go.aansanay in aanu dalka ka saarno shaqaalaha meeshaasi Maktabadda ku sheega ah oo aanu aaminsan nahay inay shaqooyin kale hayeen.”

Wasiir Ciise Keyd waxa uu sheegay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay qoraal rasmi ah u qortay dawladda Masar, taas oo lagu wargelinayso go’aankan, waxaanu yidhi “Wasaaradda arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somalialnd waxa ay qoraal rasmi ah u dirtay dawladda Masar, isla markaasina ku wargelisay go’aankan, wasaaradu waxa ay ku wargelisay Hay’adaha ay khusayso oo ay ku jiraan Hay’adda socdaalka iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland in ay kormeer ku sameeyaan habsami u socodka xidhitaanka Maktabadda, isla markaasina la hubiyo in si nabad ah oo habsami leh loogu celiyo dhammaan shaqaalahaasi Maktabadda dalkoodii Hooyo ee Masar.”

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo hadlkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an in ay sii wado xidhiidhka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, si kastaba ha ahaatee badbaadada muwaadiniintayda iyo arrimaha khuseeya amniga Qaranku waa muhiimad aad u wayn, waxaanuna aaminsan nahay in go’aankani yahay mid dani ugu jirto dalka iyo Mandaqadaba.”

Wasiirka arrimaha dibada JSL waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah aminga iyo wanaagga dalka, waxaanu yidhi “Waxaanu sii wadi-doonaa kor joogtaynta arrintan, waxaanu qaadi doonaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah aminga iyo wanaagga dalka, cid kasta oo ku xad gudubta Qaranka talaabo adag ayaanu ka qaadi doonaa.”.

Dhinaca kale Xukuumada Itoobiya ayaa Salaasadii dorraad soo bandhigtay guulihii ay gaadhay sannadkii 2016 ee tirsiga Itoobiya, taas oo lagu soo bandhigay sawirkii Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Cali, xiligii ay saxeexayeen is afgaradka.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegtay in heshiiskii is-afgarad ee Somaliland la gaadhay Itoobiya uu guul ku soo dhamaaday, waxaanu ku tilmaamay wasiirku guul Qaranka u soo hoyatay, waxaanu yidhi “Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee MOU-ga la odhan jiray wuu soo dhammaaday, dhawaana heshiiskii ayaanu dhammeys-tiri doona, taasina guul bay u tahay qaranka Somaliland.”