Dadka Macaanka Qaba Iyo Nolol Wanaag: 8 Qodob Oo Ay Tahay Inay Ku Dedaalaan

0
39

Xubinteena labaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qodobo muhiim u ah nolol wanaag iyo dadka qaba xanuunka Macaanka ama la nool.

Xubinteena labaad waxa aynu mid mid u dul istaagi doonaa qodobada muhiimka u ah nolosha qofka qaba xanuunka Macaan iyo waxa ay kala yihiin iyo muhiimada ay cuntadu u leedahay qofka Bani’aadamka ah.

Hddaba Macaanku waa cudur raaga, kaas oo sameeya awoodda uu jirku u leeyahay inui maareeyo heerka sonkorta dhiigga. Waa xanuun u baahan in laga taxadaro cunnada iyo qaab nololeedka sii loo maareeyo.

Muhiimadda ay leedahay cunnada caafimaadka leh

Cunnada caafimaadka u roon waxa ay kaalin wayn ka qaadataa maareynta xanuunka macaanka, waxa ay caawisaa xakamaynta heerarka sonkorta dhiigga, ilaalinta miisaan caafimaad leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka ka dhasha xanuunka macaanka.

Dheellitirka kaarbohaydareetyada

Kaabohaydareetyadu waa shayga saamaynta ugu badan ku leh heerarka sonkorta dhiigga. Dooro iskudhisyada kaarbohaydareetyada sida badarka, noocyada digirta iyo khudradda adigoo xadidaya sonkorta cad iyo cunnooyinka warshadaysan.

Dufannada caafimaadka uroon

Dufaannada caafimaadka leh jirku kama maarmi karo waxayna aasaasi caafimaadka guud. Cunnooyinka dufannadaan laga helo waxaa ka mid ah miraha afaakadhada, lawska, qoondarka, miraha chia seeds iyo saliid saytuunta. Waa in la iska ilaaliyo dufannada nooca loo yaqaanno “saturated fatty acids” ee ku badan cunnooyinka shiilaan iyo hilibka dufanka leh.

Hilibka jiirka ah

Barootiintu waxa ay caawisaa cufnaanta murqaha iyo sonkorta dhiigga lagu ilaaliyo heerkeeda dabiiciga ah, Slsidaas awgeed dooro kalluunka, difaagga aan maqaarka lahayn ama digirta halkii aad ka cuni lahayd hilibka caddiinta ah aama hilibka warshadaysan.

Kontaroolista xaddiga aad cunayso

Koontaroolista cabirka aad cunayso waxay muhiim u tahay maaraynta xanuunka macaanka. Isticmaal saxan yar ama baaquli yar si ay kaaga caawiso inaad aragto xaddiga aad cunayso. Saxanka kalabar khudrad ka dhig, barka kalana raashin.

Ilaali sonkorta aad qaadanayso

Iyadoo ay muhiim tahay inaad xaddido sonkorta, haddana waxaad si dhedhexaad ah ugu raaxaysan kartaa macaanka furuutka dabiiciga ah. Furuutka sidooda ku cun halkii aad cabitaan ahaan u cabbi lahayd.

Qorsheynta xilliyada cunnada

In qorshe u samaysato xilliyada waxa kaa ay caawinaysa joogtaynta iyo kontoolista cunnada aad dooranayso. Ku dedaal inaad waqti go’aan u samaysato xilliyada cunnada sida quraacda, qadada cashada iyo cunnooyinka fudud ee  u dhexeeya xilliyadaas.

Biyo cabbista

Biyo cabista iyo dareeraha waxa ay lagama maarmaan u tahay qof kasta khaasattan bukaanka qaba xanuunka macaanka. Cab biyo badan maalintii oo dhan, adigoo xadidaya cabitaannada sonkorta leh sida kuwa soodhaha ama cabitaannada furuutka..