Shirka Guddida Farsamo ee Qorista Siyaasadda Adeegyadda Caafimaad ee Dalka

0
52

Xubinteena koowaad ee barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadanaynaa todobaadkan, wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo qabatay shirka guddida farsamo ee qorista siyaasadda iyo qorshaha tayanta adeegyadda caafimaad ee dalka.

Xubintan waxa aynu ku dul istaagi doonaa kulankaasi iyo waxyaabaha lagu faaqidayay intii uu socday iyo sidoo kale waxyaabaha kulankan aadka la isugu waydiinayay intii uu socday.

Haddaba Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  soo qaba qaabisay shirka guddida farsamo ee qorista siyaasada iyo qorshaha tayaynta adeegyada caafimadka ee dalka.

Shirkan oo ahaa mid hal maalin soconayay laguna gorfaynayay siyaadda iyo qorshaha tayaynta adeegyada caafimaad ayaa waxaa kasoo qaybgalay, Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo horumarinta siyaasadda, Agaasimaha waaxda adeega caafimaadka iyo horumarinta cusbitaalada, Agaasime ku xigeenka waaxda cududda shaqaalaha, Agaasime ku xigeenka waaxda caafimaadka bulshada, saraakiil ka tirsan wasaaradda iyo Masuuliyiin ka socotay, hay,addaha la shaqeeya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Kulankan ayaa waxa aad loogu gorfeeyay isla markaasina dhinac kasta laga eegay dejinta siyaasadda adeegyada caafimaad ee dalka, kaasi oo lagu hagi doona dhamaan adeeegyadda caafimaad ee dalka.

Kulanka waxa diirada lagu saaray sidii loo heli lahaa qorshe ku haboon, isla markaasina kor-u-qaadaya tayanta adeegyada caafimaad ee ay wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland masuulka ka tahay.