Komiishanka Doorashooyinka oo Bilaabay Hawlaha Sahaminta Goobaha Codbixinta Gobolka Saaxil

0
49

Qore: Cabdiwahaab Daahir

Barbera, (Dawan) Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ee heer Qaran ee u xilsaaran hawlaha Gobolka Saaxil iyo masuuliyiinka ka socotay Ururada iyo Xisbiyada qaranka iyo sidoo kale gudiyada nabadgelayada ayaa kulamo laqaatay maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera.

Sidoo kale waxa ay la shireen masuuliyiinta Komishanka ee heer gobol iyo heer degmo, waxaana laga wada hadlay sahaminta goobaha cod bixinta ee gobolka Saaxil oo gaadhaya ilaa 90 goobood iyo sidii looga soo war helilahaa duruufaha iyo xaaladaha ku gadaaman.

Komishanneer Xuseen Cabdi Cali (Bidhaan) iyo sidoo kale Komishaneer Faadumo Ismaciil Cabdi, ayaa warbaahinta u sheegay in ay kala diri doonaan kooxaha sahaminta goobaha codbixinta.

Waxaaney yidhaahdeen. “Waxa aanu joognaa magalada Barbara, waxa aanu u joognaa hawlgalkii sahaminta goobaha cod bixinta doorashooyin, u jeedada ugu wayna waxa weeyi in aanu soo sahamino goobaha gobolka Saaxil ee doorashada lagu galijiray, waxanay ka kooban yihiin 90 goobood, waxana u kala bixi doona saddex kooxood, kuwaas oo soo Mari doona dhamaan gaabaha muddo todoba cisha ah.”