Madaxweynaha JSL oo Sheegay in Dhakhtaradu ay Yihiin Ciidan aan Loo Ogayn Hawsha ay Hayaan

0
45

 

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dhakhaatiirtu yihiin ciidan aan loo ogayn hawsha ay hayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aanay dowladdu waxba ka hagraneyn wixii lagu horumarinayo adeegbixinta caafimaadka.

Geesta kale waxa boggaadiyay dhakhaatiirta ka hawlgala cisbitaalka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh, oo uu sheegay inay ku hawlan yihiin badbaadinta carruurta ka soo horeeya xilligii sadkoodu dhammaanlaha.

Madaxweynuhu waxa uu sidan ka sheegay mar uu xadhigga ka jarayay dhisme casri ah oo laba dabaq ka kooban oo loo hirgeliyey cisbitaalka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh oo katirsan cusbitaalka guud ee Hargeysa.

“Dhakhaatiirtu waa askarta la yidhaa ciidan aan loo ogayn hawsha ay hayaan, dowladdu wixii ay hayso waxba ka hagranmeyso caafimaadka, sababto ah mudnaanta koowaad ayay markasta u tahay dowladda, kana waynuu u duceynayna ALLE hayno barakeeyo”

“Dhakhaatiirta badbaadinaya ee ka shaqaynaya caruurta shan bilood ku dhalatay ama ka yar dhab ahaantii aniga waxa ay igu ahayd wax aad iyo aad cajiib u ah, dhakhtarada marka qofku hawlgabo uunbu u taga balse waan uga mahadcelinayna hawsha ay qabteen”

Gaba-gabadii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn ugu mahadnaqay madaxda wasaaradda caafimaadka iyo dhallinyarada gacanta ku haysa cisbitaalka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh, waxana uu kula dardaarmay inay dedaalkooda ay ku daryeelayaan carruurta xannuunada kala duwani asiibeen sii laban laabaan.