“Doorashadani Waxaynu ka Doonaynaa inay Sharafta Somaliland kor u Qaado oo ay Cirka Gayso Siyaasiyan iyo…”

0
29

“Waxaan leeyahay madax dhaqameedka tiir dhexaadkii qaranka ayaad tihiin waa inaad ku dedaashaan af-gaabni edaab dad is jeclaysiin iyo in wixii turxaan leh…” madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in doorashadda mudaysan in ay dalka akd hacdo 13-ka bisha November ee sanadkan in ay noqoto mid kor u sii qaada qiimaha qarannimadda Somaliland.

Waxaanu ka digay madaxweynuhu in qof walba oo reer Somaliland ah in looga baahan yahay inuu masuuliyad iska saaro sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wanaagsan laakiin, haddii aynu Dhooqayno, oo ay hoos inoo dhigto, oo ay wax fool xun inoo keento, iyo buuq iyo muran ama is nac in ay noqonayso laba khasaare.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad lagu daah-furayay shirweynaha qaran ee horumarinta Kalluumaysiga, kaasoo shalay ka qabsoomay magaaladda Hargaysa, isla markaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Baddaha Somaliland.

Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha muhiimadda kalluunka iyo khayraadka kale ee baddaha aya tilmaamay in siyaasad ahaana qaranka oo dhami uu arrintaa taageersan yahay, isla markaana lagu  khasban nahay in aynu u guurno badda, maadaama oo ay cimiladii adduunku xumaatay.

Muuse Biixi Cabdi, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Kalluunku waa nimco ILLAAHAY SWT ina siiyay, baddu waa nimco berriga ka badan, dhulkeenana haddii la qiyaaso inta badda ah, iyo inta berriga ah, waa lagu mur maa. Siyaasad ahaana qaranka oo dhami arrinta wuu taageersan yahay, waana aynu ku khasban nahay in aynu u guurno badda. Cimiladii way xumaatay, garan mayno roobku goor uu da’ayo, dhirtii isbedel ayaa ka yimid oo Garan-waa, iyo Tiin, ayaa dhulkeenii haysta, xoolihiina way sii yaraanayaan, dadkiina wuu sii badanayaa.

Markaa mustaqbalkeenu wuxuu yaalaa in aynu badda u guurno, oo aynu ku tababarano. Imika badda aad isuguma wanaagsanin.Ma aha doorasho ee waynu ku qasban nahay in aynu mustaqbalkeena u wareejino dhaqaalaha badda, waana in aynu taa ku tashanaa”.

Geesta kale madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay arrinata doorashooyinka la filayo in ay dhawaan dalka ka qabsoomaan, isagoona tilmaamay in wakhtigan loo diyaar garoobayo doorashadda in ay jiraan xaalado xasaasiyad ah.

Sidoo kale madaxweyne Biixi, waxa uu sheegay in jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay cadaw aad u fara badan, kaasoo mudadda 33-ka sanadood ah ee ay jirtayba ku taamayay sidii loo bur-burin lahaa, balse aynu kaga soo gudubnay isku tashigeena iyo dagaal adag oo naf iyo maalba leh oo aynu u soo galnay qarannimadeena.

Madaxweyne Biix, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta waxaynu ku jirnaa xamaasadii doorashadda, xasaasiyad badan bay leedahay. Dalkana dhibaatooyin badan baa hor yaalla, cadaw badan baynu leenahay. Wixii la arko inuu soo korayo ba cadaw badan buu yeeshaa. Markaa Somaliland mudadda 33-ka sanadood ah dagaal adag bay soo gashay, qof iyo qaran ba dagaal adag adag baynu soo galnay, oo Maskaxeed, oo maal, oo dul qaad, oo adkaysi, oo cadaw iska celin leh, halgankiina weli wuu socdaa.

Doorashadani waxaynu ka doonaynaa Somaliland in ay kor u qaado oo ay cirka gayso, siyaasiyan, iyo sharaf ahaanba. Laakiin, haddii aynu Dhooqayno, oo ay hoos inoo dhigto, oo ay wax fool xun inoo keento, iyo buuq iyo muran ama is nac, haddii aynu waxaa abuurno, waa laba khasaare. Wakhtigeenii oo aynu khasaarinay, maalkeenii oo aynu khasaarinay, iyo u jeedadii ahayd in ay Somaliland is jeclaysiiso, oo ay kor u qaado, oo ay wax wadaagto, haddii ay taasi dhici waydo waa khasaare guud oo ina haysta, markaa masuuliyadaasi way ina wada saaran tahay. Waxaanay saaran tahay kolba intii waayeel ah”.

Waxa kaloo uu madaxweynuhu la dar-daarmay waayeelka, madax dhaqameedka iyo aqoon yahanka dalka, kuwaasoo uu ku booriyay in ay masuuliyadi ka saaran tahay sidii ay qaranka ilaalintiisa iyo taabo gelintiisaba qaybtooda uga qaadan lahaayeen.

“Waayeelka da’da uun lama eegayo, balse cilmigu waa xoog. Laakiin, waayeelka waxaa laga rabaa, oo loogu dhegan yahay, dadku dhaqan ayay leeyihiin, ay ku soo dhaqmeen, oo ay isla garanayaan. Markaa xeerkeenii la isku af-garanaayay, ee qof waliba ku soo koray, ee aynu isla ogol nahay, haddii ay wax ka lumaan, waayeelka ayaa leh.

Tusaale ahaan imika marka la buuqo, dadkeena oo dhami waxay maxkamadaha kaga kalsoon yihiin Xeer Soomaaliga. Xeerkiina waxaa haya oo loo badiyaa madax dhaqameedka, suldaanka,c aaqilka, iyo nin karmeedka waxa la yidhaahdo, iyagana xil gaara ayaa sii saaran. Wxaanan leeyahay waayeel la waaniyay waa dhibaato, madax dhaqameedka fagaareyaasha dhaqanka meel walba hadalka la soo taagan, anigana in aan dalka iyo cid walba tilmaamo waa igu waajib.

Waxaan leeyahay madax dhaqameedkoow tiir dhexaadkii qaranka ayaad tihiine, waa inaad ku dedaashaan af-gaabni, edaab, dad is jeclaysiin, iyo afkaaga oo wixii turxaan leh aad ka dhawrtaa, waa qasab, mar haddii aad oday dhaqan noqotay. Intaasi waa iga waano, waana wax jira oo qarsan kari mayno.

Guud ahaanba dhalinyaradana waxaan leeyahay idinka ayaa xooga ah oo codayn doona, iyo dumarka, iyagana waxaan kula dar-daarmayaa in ay dalkooda ilaashadaan” ayuu yidhi madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.