Itoobiya oo si Joogto ah Madaxda Dunida Ugala Hadlaysa Heshiiskii Is-afgarad ee Dhex Maray Somaliland

0
42

Addis Ababa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Taye Atske-Selassie, ayaa si joogto ah madaxda iyo masuuliyiinta waddanada Addyybja ee uu la kulmo kala hadla heshiiskii is afgarad ee dhex maray dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, Taye Atske-Selassie, oo la kulmay  madaxa baarlamaanka Faransiiska u qaabilsan saaxiibtinimada Faransiiska iyo Geeska Afrika, Senator Hugues Saury oo booqasho ku tagay Addis Ababa, ayaa kala hadlay ahmiyadda ay leedahay inay Itoobiya kaddin ka hesho Badda Cas.

Wasiir Taye Atske-Selassie, wuxuu tilmaamay in maadaama oo dhaqaalaha Itoobiya aad u kobcayo ay muhiim u tahay in ay marin baddeed ku hesho maslaxad ku dhisan, wadaag, wax is weydaarsi iyo nabadgelyo ah.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa horraantii sannadkan kala saxeexday heshiis la xidhiidha in  Somaliland ay 20-km oo xeebteeda ah ka kirayso Itoobiya, si ay uga samaystaan saldhig millatari oo badda ah, halka Itoobiyana uu heshiisku jidaynayo inay noqdaan dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Heshiiska isfaham (MoU) ayaa labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya sheegeen inuu dhammaystiran yahay farsamo ahaan, isla markaana dhawaan la hirgelin doono fulintiisa marka labada waddan si rasmi ah qalinka ugu duugaan.