Komishanka Doorashooyinka oo Gobollada Dalka Ka Bilaabay Sahaminta Xarumaha iyo Goobaha Codbixinta

0
39

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargeysa(Dawan):-Wefti Komishanka Doorashooyinka  qaranka ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha  Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Muuse Xasan Yuusuf oo ay wehilayaan xubnaha Guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada  ayaa waxay safar shaqo ku tageen  Degmada Caynabo.

Ujeedada safarka masuuliyiinta Komishanka doorashiooyinka Qaranka  ayaa ahaa sahaminta iyo xog-ururrinta goobaha codbixinta ee gobolada dalka JSL, taasi oo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka ay diyaarinteeda gacanta ku hayaan Komishanku.

Geesta kale weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay kulamo la yeesheen Guddida Amniga ee Gobolka  Saraar  oo uu hormuud u yahay Badhasaabka Ku-Xigeenak Gobolka Saraar iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, halkaasi oo ay ka wada xaajoodeen adkaynta amniga iyo sidii loo sugu lahaa nabadgelyadda ddorashada iyo goobaha laga codaynayo.

Dhinaca kale Wefti ka socda Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa safar ugu baxay gobolka Awdal, kaasi oo ay hogaaminayaan  gudoomiye Ku xigeenka  Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Axmed  Cismaan Xasan iyo Komishineer Ibraahim Macalin Aadan oo ay wehilayaan xubnaha guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada   waxay safar shaqo ku tageen  gobolka Awdal Selel

Ujeedka safarka ayaa sidoo kale ahaa sahaminta iyo xog-ururrinta goobaha codbixinta ee gobolada dalka JSL.

Weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay kulamo la yeesheen guddida amniga gobolka Awdal oo uu hogaaminayo Badhasaabka gobalka Awdal  iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, halkaasi oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa amniga iyo ilaalinta goobaha codbixinta, waxaana la isla qaatay in meel looga soo wada jeesto sidii loo sugi lahaa xaaladda guud ee amniga dalka xiliga lagu jiro u diyaar garawga doorashooyinka dalka ka qabsoomay 13 november 2024.